Qalinkaa Wax Suureeya 13

1
1429

 

Hal-abuurka iyo Nolosha 3

Bal maanta aan eegno faraqa u dhaxeeya bulshooyinka ku guulaystay  in ay hantaan hal-abuur siyaasadeed oo ay ku maareeyaan noloshooda siyaasadeed iyo kuwa ku fashilmay hanashada hal-abuurka siyaasadda:

Bulsho leh Ha-abuur Siyaasadeed:

Bulshadan waxa u kacay xubno la fil ah kuwo badan oo ku abtirsada magacooda, waxa ay ku dhasheen sagaal bilood, sida caruurta deegaanku u korto ayey u koreen, waxay u kacaameen qaab aan ka duwaneyn kan dhiggoodu u kacaamay, waxaa laga yaabaa inay kuwa badan oo la da’ ah ay ka duruufo adkaayeen,waayaha nololeed ee ay soo mareena ahaa mid lama ilaawaan ah, laakiin waxa ay garteen in ay koriyaan caqligooda, una hawlgalaan sidii ay ugu fekeri laahyeen naftooda iyo bulshadoodaba, waxaana ay maskax iyo muruq ku bixiyeen sidii ay u gaadhsiin lahaayeen bulshadooda heer ay higsadaan ummadaha kale ee la wadaaga nolosha adduunka in ay la mid noqdaam ama ka hor maraan.

Xubnahan noocan oo kale ah waxa lagu yaqaan:

Iimaan iyo Ujeeddo: Waxay ku tilmaaman yihiin xubnahani  kuwo leh iimaan gaadhsiiyey inay gartaan waajibka looga fadhiyo inta ay adduunka joogaan, kaas oo ay awooddooda qofnimo uga yeeleen mid u adeegta noloshooda danbe, waxaa intaas dheer haddiiba aanay lahayn garasho gayeysiisa inay  hantiyaan iimaanka saxa ah ee koobaaya baahida adduun iyo aakhiro waa kuwo ugu yaraan haleelay macnaha noloshan kooban leedahay, kana door biday inay u horseedaan bulshadooda iyo tan caalamka la wadaagta sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol macne u leh qofka banii’aadamka ah. Waxa ku lammaan iimaankaas ujeeddo qeexan oo ay u sameeyeen geeddi socodka nolosha iyo wadiiqo xaddidan oo loo maraayo sidii ujeeddadaas loo gaadhi lahaa, kuwaas oo dhammaantood ku dhisan danwadaagnimada guud ee bulshadu leedahay.

In-dheer Garadnimo: Waxa ay meel dheer ka eegaan arrimaha horyaal, aragoodu waxa uu ku saleysan yahay aragti fog oo ka shaxaysa danta duug ee bulshadu leedahay iyo waxayaabaha u horseedaaya wanaag iyo jritaan caafimaad qaba oo waari kara muddada ugu badan, talaabo walba oo ay qaadayaan waxa ay xisaabiyaan waxyaalaha laga dhaxli karo ee dhib iyo dheef leh, markaasay dhib iyo dheef walbana kala qaadqaadaan oo qaybo kala duwan u kala dhigaan si ay hab miisaaman ugu doortaan go’aanka iyo talada ku haboon hal xidhaaleyaasha nolosha ee hor yaal una baahan in la furdaamiyo.

Caddaalad: qofka ku guulaysta in uu naftiisa ku agaasimo caddaalad ayaa kari kara in uu cid kalena ku agaasimo caddaaladaas, xubnaha noocan ahi waa kuwa suuro gal ka dhiga inay ku jareeyaan naftooda waxa danta u ah, kuna qanciyaan bulshada inteeda kale inay ku  maareyn karaan si wanaag iyo dhaxal ku saleysan, taas macnaheedu waxa weeye inay yihiin kuwo ku maamuli kara ujeeddooyinka ay nolosha ka leeyihiin sida; wakhtigooda, dhaqankooda, socodkooda, hadhgalkooda, caqligooda, caadifadooda, iyo dhammaan noloshooda. Waxa ay garanayaan wax waliba wuxuu ka mudan yahay hadduu yahay noole iyo haddii uu yahay ma noole intaba, sidaas  darteed waxa suuro gal u noqonaysa in ay si midho leh isu waafajin karaan waxyaabo badan oo nolosha loo haysto in ay is diidan yihiin laakiin ay u fahmeen iyagu qaab aad u fudud oo ka tarjumaaya sida ay u maaleen garashada nolosha iyo sida ay uga talinayaan wanaageeda.

Xubnahaasi waxa ay u horseedeen bulshooyinkoodii horumar ballaadhan oo ka muuqda noloshooda, waxayna ugu fadhiyaan ummaddooda qiimo weyn oo lama ilaawaan ah.

Bulsho aan lahayn Hal-abuur Siyaasadeed:

Bulshooyinka noocan ah waxa hormood u ah taladooda xubno leh tilmaamahan soo socda;

Jiheeye La’aan: Waa xubno uu ka maqan yahay jiheeyihii noloshu, ma jiro  wax ku talo gal ah uu uga yaala nolosha, heer qof iyo heer bulsho midnaba, sidaas darteed ayaanay u haleelin hilinkii u horseedi lahaa iimaan u qeexa xayndaabka aanay waydaaran karin iyo ujeeddo u asteysa tilmaamaha meel dhow iyo meel dheer ka muuqan kara si ay hanashadeeda uga run sheegaan. Waa duul nool aminta ay joogaan oo aan ku waayo qaadan wixii hore iyaga iyo dhigaalkoodba nolosha ka soo maray,  indhahooda iyo caqligoodana aan ku arkeyn waxa gadaal ka jira il-bidhiqsigaa ay taagan yihiin.

Xoogsi: Waxay u arkaan hoggaanka bulshada meel laga xoogsado oo hanti iyo dhaqaale laga urursado, waxa ugu mudan ee ay ka fekeraana waa jeebkooda iyo xisaabtooda waxa soo gelaaya, xataa isma waydiiyaan ma laga yaabaa in aanad kadban waxan aad ururinayso, waxaase dhacdaba mar walba oo uu sii biiryo inuu hadana haraad iyo baahi ka sii qaado kula talisa in aanu kow joogin ee uu guntiga dhiisha isaga dhigo si uu haan walba u buuxsado… may garan in xoogsiga dhabta ahi uu yahay dhaxalka iyo duugga wanaagsan ee maamul iyo horumar ah ee bulshada looga tago.

Tilmaamahan aan kor ku sheegnay waa kuwo tusaale uun ah, waase kuwo aasaas u ah sifaha ay leeyihiin xubnahaas bulshada ee kala duwan.

Sifaha uu qaato hoggaanka bulsho leedahay waa sawir kooban oo ku tusaaya halka iyo heerka bulshadaasi marayso.

qsuureeya@live.com

Comments are closed.