Qalinkaa Wax Suureeya 12

0
1288

 

Hal-abuurka iyo Nolosha 2

Qormadii tan ka horeysay waxa aan tilmaanay sida hal-abuurku muhiim ugu yahay nolosha, mance lagu hirtona aanay yeelanayan noloshu haddii ay baal marto hal-abuurka, iyada oo aan taas ka anba qaadayno waxa aan ku tilmaami doonaaqormooyinkan soo socda macnaha iyo milgaha hal-abuurku huwinaayo qaybaha ugu muhiimsan nolosha bulshada, kuwaas oo aan ku tilmaami karo inay yihiin dhidibadda uu jiritaanka bulshadu ku taagan yahay.

Hadaba, haddii aan maanta wax ka tilmaano HAL-ABUURKA SIYAASADDA iyo doorka uu ku leeyahay nolosha, waxa mudna in marka hore aan is waydiino dhowr su’aalood oo saldhig u ah ka faaloodka arrinkan, kuwaas oo ah:

Waa maxay siyaasaddu? Sidee ayaa loo sameyn karaa hal-abuur Siyaasadeed?Sidee ayaa loo suuq gayn karaa hal-abuurkaa siyaasadeed?

Waxa aan filayaa haddiiba aan isku dayno in aan qaadaa dhigno macanaha siyaasaddu leedahay in baaxadda iyo bedka ay ku fadhido uu noqon karo mid aad lagaga geyoon karin qoraal kooban, waxaase runtu tahay in mar walba macnaha ugu kooban ee qof waliba fahmi karaa ka wanaagsan yahay hadal araartiisa iyo gundhigiisa wakhti dheer u dhexeeyo. Sidaas darteed, waxa aan ku tilmaami karnaa in siyaasaddu tahay qaabka loo agaasimo danaha bulshadu wada leedahay iyada oo lagu gaadhaayo ujeeddooyin ah in bulshadu samo ku negaato,  dhiggeedna ku xisaabtamo.

Agaasinkaas ma aha mid hawl fudud, mana aha mid qof walba uu dusha u ridan karo, rag iyo dumar, dhallin iyo waayeel, waxa jirta in loo xusul duubo sidii siyaasadda kaalin loogu yeelan lahaa, laakiin waxa is waydiin leh dadkaas u heellan in ay dusha u ritaan hagidda bulshadu “meesha ay doonaan ha ku noolaadaan aminta ay doonaana ha joogaane” ma leeyihiin hal abuur siyaasadeed oo ku lammaan hankooda, iyo baahida siyaasadeed ee sida baaxadda leh uga muuqata xaaladda nololeed ee ka aloosan caalamka, gobalka iyo waddanka intaba.

Marka aad hanato garasho koobaysa mushkiladaha siyaasadeed ee caalamka, gobolka iyo waddanka aad ku nooshahay ka aloosan, hadana aad ku ladho garashadaas faham iyo dareen ka madax banaan xamaasad iyo lab lakac, kaasoo aad ku gaadhayso sidii aad ugu heli lahayd jawaabo xal u noqda ka salgaadhka dhibaatooyinkaas siyaasadeed, iyada oo aanad ka tagayn in aad aasaas uga dhigto sidii aad uga dhabayn lahayd doonidda bulshadaada iyo caddaalad ka dhex aloosanta xidhiidhkooda nololeed una gudubta guud ahaanba cidda kula wadaagta adduunka noole iyo ma nooleba, markaas ayuun baad sameysay HAL-ABUUR SIYAASADEED oo aad ku hagi karto bulsho mudan inay si qadarin leh u noolaato, adduunkana uga tagto duug iyo dhaxal waara oo laga yeesho tusaale aan gudhin.

Hal-abuurka siyaasaddu waxa uu u baahan yahay dhiiranaan iyo feejignaan, dhiiranaantu waa mid kugu kalifaysa in aad ka wardoonto dariiqyo aan hore loo tijaabin, waana mid keensanaysa in aad noqoto qof aan ku xidhin fekerkiisa taalaabooyinkii hore loo soo maray, haddiiba aad sidaas sameyso raad hore loo dhigay ayaad dib u raacaysaa. feejignaantu waxa ay ku faraysaa in aan dhiiranaantu kula dhaafin xadkeedda, ma aha in aad laasho iimaanka iyo dhaqanka suuban ee bulshadu leedahay, waa in dhiiranaantaadu ka asal qaadataa hantida diineed, aqooneed iyo soo jireenka wanaagsan ee bulshadu leedahay.

Aminta aad ku guulaysato in aad sameyso hal abuur siyaasadeed waxa aad u baahan tahay in aad u hawlgasho sidii aad u suuq geyn lahayd hal-abuurkaas si uu u noqdo mid bulshada wax tara oo door tilmaaman ka qaata xallinta baahida ay u qabaan inay ku ilaaliyaan jiritaankooda cilmi iyo cuddud ku dhisan caqli, hormoodna ka noqdaan samatalinta “hadday tahay muruq iyo hadday tahay maqal” labadaba.

Si ay u sahlanaato in bulshadu ay qaadan karto hal-buurkaaga siyaasadeed waa inuu yahay mid ku taagan laba tiir oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

Xusuus Wadareed: Waa in marka horeba hal-abuurkaagu aanu hilmaamin taariikhda bulshada iyo xusuustooda la xidhiidha noloshii iyo waayihii ay soo mareen, iyo waxay kaga jawaabeen wakhtiyadaas kala duwan ee ay ku soo qaateen taariikho xasuuso leh sida; farxad iyo naxdin, nabad iyo dagaal, barwaaqo iyo abaar … iwm.

Garaad Wadareed: Waa in aad siisaa door muhiim ah oo si toos ah iyo si dadban labadaba uu garaad wadareedka bulshadu uga qayb qaato qaabeynta iyo hanaan u sameynta hindisaha hal-abuurkaaga, taasoo soo dhoweynaysa in aanu kala dhexgelin adiga iyo garaadka bulshada faalal ballaadhan oo sabab u noqda in taranta iyo tamarinta garaadkiinu noqoto mid kala fog.

Labadaas qodob waxa ay si sahlan u taageerayaan in aad ka yeeli karto hal-abuurkaaga siyaasadeed mid ay bulshadu leedahay, kaasoo jawaab sax ah u noqon kara su’aalaha siyaasadeed ee horyaal.

Tilmaamahaasi waa Xayndaabka Fikradeed ee aan ku dhisi karno Hal-abuur Siyaasadeed, tafaasiisha iyo sida loogu abla’ablayn karo xaaladaha kala duwan waa nin walba si garadkiisa.

qsuureeya@live.com

 Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir