Qaladaadka Dila Kombiyuutarka Laptop Ka

0
957

 

Kombiyuutarka oo ah qalab muhiimad weyn u leh shaqooyinka casriga ah iyo waxbarashada, ayaa aynu inta badan kala kulannaa dhibaato in waqtiga uu shaqaynayaa gaabto ama in uu si kedis ah inooga xumaado. Qormadan oo ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaladaad inta badan dhaca oo sababa in uu xumaado kombiyuutarku, gaar ahaan nocoa la qaato ee ‘Laptop’ ka loo yaqaanno.

  1. Kulaylka badan

Inkasta oo kombiyuutarrada gacantu ay sii kala casrisan yihiin, haddana badankoodu waxa ay caan ku yihiin in marka muddo la isticmaalo ay kulayl badan yeeshaan.

Marawaxadda kombiyuutarka ku samaysani waxa ay ka caawisaa yaraynta ama ka takhalusidda xaraadda ka jirta kombiyuutarka gudihiisa, sidaa awgeed waa in aad mar kasta ku dadaasho in aanay daboolmin, taas oo inta badan dhacda marka aad kombiyuutarka saarto oogo sida quraaradda sibibix u ah, waayo oogada sidaas isugu simani waxa ay keeni kartaa in kombiyuutarku uu si buuxda ugu wada fadhiisto oo aanay jirin meelo dhinacyada uu oogada ka yara qaadan yahay oo ay hawadu ka geli karto.

Haddii kombiyuutarka oogadan noocan ah la saaro waxaa dhacda in marawaxaddu ay qaboojin weydo, kulaylka gudaha oo sii badanayaana uu ugu dambaynta raad taban ku yeeshay qalabka samayska kombiyuutarka ee muhiimka ah.

Waxaa marmar dhacda in kombiyuutarku kulayl awgii mar keliya iskii shaqada u joojiyo, laakkin waxaa jira kombiyuutarro si kasta oo kulaylku u badan yahay haddana shaqada sii wada, waana kuwaas kuwa ay khatarta ugu badani soo waajahayso maadaama oo kulaylkaas badani uu burburin karo ama xumaynayo qalabka gudaha ku jira ee ay ka mid yahay ‘Processor’ ka. Waxa aanay ugu dambaynta keentaa in kombiyuutarku uu shaqada joojiyo.

– Waxa ay kale oo ay khubaradu ka digeen in kombiyuutarka ‘Laptop’ ka ah la saaro maro dun ah, siyaasad ama roogga, mar kasta oo kombiyuutarka la dhigayana waa in la hubiyo in meesha la dhigayaa ay tahay meel aan cabudhinayn marinka marawaxadda, isla markaana ay ka soo bixi karto hawada kulul ee ay marawaxaddu ka soo saarayso gudaha kombiyuutarka.

– Waxaa marar badan dhacda marka kombiyuutarka muddo dheer la isticmaalo in boodh ama dhas badani uu galo kombiyuutarka gudihiisa, kaddibna uu awdo marinka marawaxadda iyo meelaha ay hawadu marayso ee gudaha kombiyuutarka, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in lagu dadaalo joogtaynta nadaafadda kombiyuutarka.

  1. In si xoog ah loo dhaqaajiyo ama loo ruxo kombiyuutarka leh Hard disk, ku rakiban

Kombiyuutarrada samayskoodu sii casriyoobay waxaa laga daayey cajaladda kaydinta xogta ee loo yaqaanno HARD DISK oo loo soo gaabiyo (HDD), waxaana lagu beddeelay ‘SDD’ oo maadaama oo aanay lahayn qalab gudaha ugu jira oo dhaqdhaqaaqu wax yeelayo, iyadu u fiican kombiyuutarka gacanta ‘Laptop’ oo dabcan xarakaadkiisu badan yahay.

Laakiin weli waxaa jira kombiyuutarro badan oo leh kaydka HDD, maadaama oo uu ka jaban yahay kuwa dambe.

Waxa ay khubaradu sheegeen in dhibaatda HDD ay tahay in ay gudaha ku leedahay qalab lulanka badani dhibaato ku yahay, oo haddii kombiyuutarka xoog loo ruxo, ama loo dhaqdhaqaajiyo sababi kara in uu HARD DISK shaqada gabo, sidaasna kombiyuutarku ku xumaado.

  1. Kombiyuutarka oo si xun loo qaado

Shaashadda kombiyuutarku waa qaybta ugu taagta daran ee uu qalabkani leeyahay, kombiyuutarka intiisa kale waxaa ku xidha laba meelood oo aad u nugul oo labada dhinac ee shaashadda fadhigeeda ku yaalla.

Dad badan bay caado u tahay marka ay si degdeg ah u qaadanayaan kombiyuutarka oo u kala furnaa in ay shaashadda qabsadaan. Laakiin khubaradu waxa ay xaqiijiyeen in qaadashada noocaas ahi ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee jebiya kombiyutarka gaar ahaan kala fujiya fadhiga iyo shaashadda.

  1. Dabka

Qaabka loo duuduubo xadhiga dabka iyo meelaha laga jebiyo ama qalloociyaa waxa ay keeni karaan dhibaato ku timaadda xadhiga, gaar ahaan marka muddo qaab keliya loo duuduubo. Haddaba waxa ay khubaradu ku talinayaan in laga fogaado in xadhiga isaga la isku duuduubo. Waxa kale oo muhiim ah in xadhigu uu si fiican u kala baxsanaado marka uu kombiyuutarku dabka ku jiro.

Talada kale ee muhiimka ahi waa in si dhibirsan kombiyuutarka looga saaro xadhiga dabka, si haddii lagu soo dhufto aanu dhaawac u soo gaadhin godka xadhigu galo.

Waxa kale oo ay khubaradu ku taliyeen in aan dabka muddo dheer lagu deyn kombiyuutarku marka uu buuxsamo. Taas oo haddii ay dhacdo dhaawac gaadhsiinaysa guud ahaanba wareegga korontada ee kombiyuutarka, sida oo kalana baytariga ka disha awoodda kaydsashada dabka.

Korontada oo muddo dheer lagu daayo kombiyuutarku waxa kale oo ay keentaa in uu kululaado, taasina waxa ay sababi kartaa dhibaato soo gaadha kombiyuutarka, ama mararka qaarkoodba in uu qarxo, inkasta oo ay tahay xaalad dhif ah.

  1. Qaadista iyo nadiifinta

Caadi ahaan kombiyuutarka waxa aynu u iibsannaa shandad aynu ku qaadno kuna ilaalinno, laakiin waxa ay khubaradu sheegayaan in shandad kastaa aanay ilaalinayn, sidaa awgeedna ay tahay in aynu hubinno in shandadda aynu ku qaadaynaa ay ku habboontahay ilaalinta kombiyuutarka.

Wawxa iyaduna taxaddar gaar ah u baahan qaabka aad kombiyuutarka u qaadayso iyo habka aad u nadiifinayso. Talooyinka ugu habboon ee ay khubaradu innaga siiyeen nadiifinta kombiyuutarka waxaa ka mid ah:

Kombiyuutarkaaga ha ku nadiifin maaddooyinka nadaafadda guryaha loo isticmaalo oo uu ka mid yahay shaambooga muraayadaha. Waxaa ku jira biyo badan sidaa awgeed waxa ay khatar u yihiin in ay galaan kombiyuutarka, sidaasna ku gubaan.

marada aad kombiyuutarkaaga ku nadiifinaysaa ha noqoto cudbi xariir ah / jilicsan. Haddii aad maro boqolkiiba 10 dun ah isticmaashana waabay ka sii fiican tahay.

Burusha ilkaha noociisa jilicsan waa aad ku nadiifin kartaa meelaha aanad gaadhi karin ee kombiyuutarka, waxa kale oo aad adeegsan kartaa mishiinka naqaska buufiya ee loogu talagalay. Gaar ahaan meelaha cidhiidhiga ah iyo daloolada ayaad ku buufin kartaa, laakiin waxaa muhiim ah in hawada aad ku buufinayso cadaadiskeedu aanu aad u badan, si aanay dhaawac u gaadhsiin qalabka gudaha kombiyuutarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here