Wasiir Faratoon Oo Hadalkii Agaasimayaasha Ee Ka Dhankaa Ahaa Itoobiya Ku Tilmaamay Hadal lagula sheekaystay Saxafiyiinta Itoobiyaanka ah

0
702

 

Wuxuu meesha ka saaray jiritaanka war ay agaasimayaasha arrimaha dibadda iyo Itoobiya ku qawadeen siyaasadda Itoobiya

 

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ka hadlay war warbaahinta Itoobiya ay ka baahiyeen xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo hoos u dhac uu ku yimid iyo in Somaliland ay dareemayso in isbadalka Itoobiya uu fogeeyay.

Agaasimayaasha arrimaha dibadda iyo warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa saxafiyiin Itoobiyaan ah oo ka socday warbaahinta Itoobiya u sheegay in Somaliland ka walaacsantahay siyaasadda Itoobiya ee gobalka Geeska Afrika.

 

Laakiin Wasiir Faratoon ayaa warkan ku tilmamaay mid sheeko ahaa isla markaasna aan Somaliland si rasmi ah uga soo bixin marna, waxaanu xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaamay mid meel wanaagsan maraaya oo aan wax dhibaato ah dareemay, sida oo kale waxa uu sheegay in raysal wasaare Abay Axmed uu mar xiisaynaayay inuu Hargeysa yimaado.

Wasiir Faratoon waxa uu sidan ka sheegay shir jaa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaas oo uu kaga jaaabaay warkaas la baahiyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“ Ujedada aan ka lahayn war saxaafadeedkani waa inaan idinka jaahil saarno  oo aan idiin cadayno mawqifka ay dawladu ka taagan tahay  qoraal shaki abuuri kara  oo ku soo baxay saxaafada afka Ingiriisiga  oo jariirad Itoobiya ka soo baxdaa ay soo daabacday, xaqiiqadiisa waxa ka jira iyo waxa aan ka jirin inaan idiin kala cadyno ayaanu idiinku yeedhnay,  qoraalkaas waxa uu nuxurkiisu ahaa inuu jiro xoogaa shaki ah ama kala fogaansho inuu ku jiro heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, dhawr qodob ayuu taataabanayaa oo ay ka mid tahay in Somaliland ay ka shakisantahay siyaasada uu ku socdo raysal wasaaraha Itoobiya Abay, nabadgalyada xuduudu in aanay hagaagsanayan,  inuu Somaliland fogaynaayo oo dalal kale soo dhawaysanaayo  hadalkaas markaanu baadhnay sida uu ku soo baxay  waxa uu ahaa hadal ku soo baxay si sheeko ah oo dad iska sheekaystay oo wax iska yidhi  oo ujeedana aanay ka lahan wax rasmi ahna aan ahayn sheeko ama tuhun ay iska tuhmeen nimanka warfidiyeenka ah ee meesha joogay, waxaan rabaa inaan mawqifka dawlada ee arimahaas ku saabsan inaan idiin cadeeyo.”

Wasiirku xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland inuu kala fogaaday ayuu meesha ka saaray“ Haba yaraatee wax kala fogaansho ah iyo wax is diidmo ah iyo wax  ka badalmay xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhaxeeyay in aanay wax isbadal ah jirin ayaan rabaa inaan idiin cadeeyo dhan kasta oo laga eegaba, waxbaa dhacaaya dabadeedna malaawaal ayaa samaysmaaya waxyaabaha la malaa waalo waxa ka mid ah shirkii raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya  iyo madaxweynaha Eratariya  ay yeesheen ee ay ku yeesheen Eratariya, shirkaas ayay dad badan u turjunteen in Somaliland laga saaray shirkaas sadex geesoodka ah, waxaanay ka fikarin mandaqada Geeska Afrika Somaliland oo kaliyaati kuma taalo  sadexdaas wadan oo kaliyaati kuma yaalaan ee wadamo badan ayaa ku yaala  wadamadaas kale shirka kamay qaybgalin sadexdaas wadan ayuunbay ahaayeen, wadamaduna xaq ayay u leeyihiin inay danahooda gaarka ah, mudo badan ayaana laga yaabaa in aanay xidhiidhadoodu hagaagsanayan  isku soo dhawaanshaha iyo isku imaatinka wax ceeb ah oo ku jiraa ma jiraan, cida ka masayrtaana way qaldantahay, Somaliland kama masayrin wax waxyeelo ah oo ay islahaayeen shirkaasi waa uu idin gaadhsiinayaana ma jirin, Somaliland mandaqada ayay ku taalaa cidii is tidhaahda fogee waa ay khaldantahay  waayo cid ka saari kartaa ma jirto alle ayaa deegaanka ku abuuray cid iska indha tiri karta jiritankeeda iyo doorkeeduna ma jirto, laakiin inay danahooda ka shaqeeyaan xogbay u yihiin.”

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland waxa uu sheegay inay la dhacsan yihiin isku soo dhawaanshaa dalalka gobalka ee uu wado Abay Axmed“ Abiy waxa lagu sheegaa inuu ka shaqaynaayo  dalalka ku yaala mandaqada Geeska Afrika  arintaas waanu soo dhawaynaynaa  inay dalalku isku xidhmaan  nabadi ka dhex dhacdo lays ogolaado oo la kala ganacsado , lays dhex galo aad ayay Somaliland u soo dhawaynaysaa oo ay u ogoshay mana diidan siyaasada caynkaas ah, waxyaabaha kale ee malaa waalka ah ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa xidhiidhkoodu xumaadayna, qunsuliyada Itoobiya ay halkan ku leedahay waa tii nin oday ah la keenay  bari dhexdaas ah ninkaas odayga ah wakhtigii ay shaqadu ka dhamaanaysay ayaa la gaadhay waa uu hawlgabay waa la badalay, badalkiisii ayaan wali imaan inbadan waxay shaki galisay kii lagu badalay muxuu u iman waayay, wax laga shakiyo maaha  safaaradu shaqadeeda sidii caadiga ahayd ayay ula socotaa, ku xigeenkiisiibaa jooga  shaqaale xoog leh ayaa leh oo dhanka nabadgalyada iyo hawlii diblamasiyadaba buuxiyay ayaa jooga, wasaarada arimaha dibada waan wadahadalnay waxayna noo cadeeyeen inay soo xulanayaan qofkii meesha munaasibka ku noqon lahaa. Wax yaabaha ay tilmaamayaan waxa ka mid ah nabadgalyadii xuduudka ayaa dabacday, angu taas ma hayno labda dhinacba nabadgalyada waa laga shaqeeyaa maamuladu sidiibay u xidhiidhaan, si wanaagsan ayaa loo wada shaqeeyaa, dabacaas meesha laga keenayna maanu arkin, qoraalkaasi waxa uu ahaa qoraal aan ku dhisnayan wax rasmi ah oo mawqif ay Somaliland ka taagan tahay ama dareen ay qabto aan ku dhisnayan sheeko uun dad iska sheekaystay iyo nimankaas wariyayaasha ah oo mudo joogay, wariyayaashu inay bahalaha iibiyaan war xasaasi ah ayay doonaan  oo wax dadka kiciya oo ay xiisanayaan inay abuuraan.”

Wasiirka oo la wadiiyay in mar Abay Axmed iyo Farmaajo ay doonayeen inay Hargeysa yimaadaan waxa uu yidhi“ Marna maanu maqlin iyaga oo wada socda, Abay isagu waa uu yidhi iskii inaan Hargeysa yimaado ayaan doonayay, waliba markii aniga iyo madaxweynuu aanu waftiga ku tagi jirnay  waa uu nagu yidhi Dr.Sacad iyo aniga  iyo Maxamed Kaahin iyo aanu ahayn, waxa uu nagu yidhi idinkiibaa iga hor yimi  anigoo soo socday, waanu xiisaynayay, laakiin anagu isaga iyo madaxweynaah Somaliya oo wada socda maanu maqlin manay soo dalban.”

 

Faysal Cali Waraabe oo la kulmay axmed Madoobe

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku jooga dalka Kenya ayaa magaalada Nayrobi kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Ma jiro wax war ah oo kulankaas laga soo saaray, waxase baraha bulshada lagu baahiyay sawirada kulanka Eng. Faysal iyo madaxweynaha Maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here