Badhasaabka Togdheer Oo Kormeeray Xarumaha Dawlada

0
594

Picture1Burco (Geeska)-Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye (Abees), ayaa markii u horeysay Kormeer indho indhayn ah ku tagay qaar ka mid ah xarunaha dawlada si uu u ogaado qaabka ay u shaqeeyaan .

Guddoomiyaha oo uu wehelinaayeen Taliyaha booliska gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa Kormeerkoodan ku tegay Saldhigyadda Xaafadaha Koosaar ,Aadan Saleebaan ,Faarax Oomar ,Oktoober ,Maxamed Cali iyo Qaybta booliska Burco. .
Badhasaabka Gobolka iyo masuuliyiintan uu horkacaayay ayaa Taliyayaasha Saldhigyan Xaafadahan ka dhagaystay xogo ay kaga warbixinayaan xaaladooda shaqo iyo caqabadaha la soo darsa ,taasi oo ay si faahfaahsan Guddoomiyaha ugu soo bandhigeen.

Waxaanu  ku wargaliyay hugaamadda iyo hawlwadeenda Saldhigyadda in ay laban laabaan shaqooyinka ay shacbiga Burco u hayaan isla markaana sugida amniga xoojiyaan .

Waxa kale oo uu Badhasaabku ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay gacmaha isqabsadaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo midnimadooda  dhaawicikara bulshadana kala fogaynkara.

Sidoo kale Masuuliyiintan uu horkacaayay Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa dhinaca kale kormeer ku tegay Madaarka magaalada Burco oo ay mudooyinkii u danbeeyay dayac-tir iskaa wax u qabso ahi ka socday,kaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayaan Gudi-madax-banaani.

Badhasaabka ayaa kula dardaarmay Gudiga dib u dhiska madaarka Diyaaradaha Burco in ay dhakhso usoo gabogabiiyaan dhismaha iyo dib u habaynta Madaarka oo gabo-gabo ku dhow.