Qabiil Ragga Iyo Dumarku Laba Af Ku Kala Hadlaan, Hilibka Dadkuna Uu Yahay Cuntadooda Ugu Fiican

0
789

Picture7Brasilia (Geeska)- Mid ka mid ah masuuliyiinta tuule yar oo ku dhex yaalla keymaha Amazon ee galbeedka dalka Brazil ayaa sheegay in shan nin oo ka mid ah qabiilka Kulina ay ay ka baxsadeen garsoorka kadib markii lagu eedeeyey in ay dileen, googooyeen kadibna hilibkiisa cuneen nin beeraley ahaa oo degaankaas deggenaa. Maronilto De Sylva oo ah Duqa tuulaha Indira oo ku dhex taalla keymaha Amazon ayaa yidhi, "Xubno ka mid ah beesha Kulina ayaa toddobaadkii hore agagaarka tuulada ku dilay Ocelio Alfis oo da'diisu ahayd 19 jir kadibna hilibkiisa cunay" Waxa uu masuulkani sheegay in shan nin oo dembiga loo soo xidhay ay xabsiga ka baxsadeen iyada oo aan si rasmi ah weli loo garan karin cidda kale ee kula jirtay dad qalnimadan. Raggan baxsaday waxa ay dhex xuleen keymaha Amazon ee aan cidi gelin.

Mayerku waxa uu sheegay in la helay madaxii iyo xubno ka mid ah hilibka inankan dhalinyarada ah ee ay hilibkiisa wadaageen shanta nin. Rag tiro badan oo qabiilka Kulina ah ayaa isku xeeray xabsiga ay ku jireen shanta nin oo markii dambe ay u fududeeyeen inuu baxsado. Shantan nin ayaa si cad u qiranayey in ay cuneen hilibka inankan yar si ay u xusaan munaasabad diini ah oo ay leeyihiin oo faraysa in muddadiiba hal mar la qabto munaasabad lagu cuno hilib qof. Sidaa awgeedna cunista inankani ahayd gudasho waajib diini ah. Qabiilka Kulina oo tiradooda lagu qiyaaso 2500 oo ruux, waxa ay ku nool yihiin kaymaha aan cidi gelin ee u dhexeeya Brazil iyo Peru waa dad xidh xidhan oo aan dhex gelin macaamilna aan la yeelan cid aan ahayn beeshooda. Arrinta kale ee uu qabiilkani caanka ku yahay waa in ragga beesha Kulina iyo dumarkoodu ku kala hadlaan laba luuqadood oo kala duwan. Sidoo kale waxa kaymaha Amazon ku nool 460 Kun oo qof oo asalkoodu yahay Hindida cas-cas, dadkan oo ka kooban 55 qabiil waxa ay ku hadlaan 1300 oo luuqadood, waxa aanay ka xidh xidhan yihiin gebi ahaanba dunida kale, dawladda Brazil ayaan u ogolayn ciidamadeedu inay galaan deegaanka kaymaha jiqda ah ee Amazon oo dadkani deggen yihiin.