Qabiil Dadkooda Sharafta Leh Astaan Looga Dhigay In Dhegaha La Dhaadheereeyo

0
759

Picture10Jakarta (Geeska)- Dalka Indonesia oo ay ku nool yihiin qabiilooyin tiro badan waxaa ka jira dhaqanno kala duwan oo qaarkood ay bulshooyinka kale ee dalka iyo guud ahaanba dunida ku noqdaan la yaab. Cadooyinkaas oo qabiil kastaa gaarkiisa u leeyahay, gobol kastaana gaar u leeyahay waxaa ka mid ah qabiilka Dayak oo  nool jasiiradda Borneo oo ah jasiiradda saddexaad ee ugu weyn dalka Indonesia. Qabiilka Dayak waxa ay caado u leeyihiin in ay dhegaha dheeraystaan, oo mararka qaarkood ay dhegto hoos u go’do qiyaas ka badan 15 Sentimitir, sida lagu baahiyey barta internet ka ee describe Indonesia oo ka faallooda arrimaha hiddaha iyo dhaqanka ee dalkaas.

Caadadan oo muddo aad u dheer soo taxnayd waxa ay leedahay xeerar iyo qaab ay ragga iyo dumarku ugu kala duwan yihiin, tusaale ahaan cabbirka la ogol yahay in dhegta ninka hoos loo gooyo sida sawirka ka muuqataa waa in aanu ka badnaa illaa garabka, laakiin gabadha waxaa loo ogol yahay in ay gaadhsiiso illaa laabta.

Laakiin jifada  Kayaan oo ka tirsan qabiilka Dayaak iyadu waxa ay la sii gaar tahay in dhegta inta hoos loo jarayaa ay u kala duwan tahay hadba sida uu u kala duwan yahay heerka nololeed ee ninka iyo gabadhu, tusaale ahaan dhegta oo siaad ah loo dheereeyaa waxa ay astaan u tahay in ruuxani uu ka soo jeedo qoys sharaf iyo karaamo leh oo dhaqan ahaan dadka deegaanku ay ixtiraamaan.