Mufti U Dhashay Dalka Sucuudiga Oo Xaaraantimeeyey Isticmaalka Talefanka Gacanta, Xilliga Gaadhiga La Wado

0
154

Picture9Riyaad (Geeska)- Sheekh Khalaf Al-Mudlaq oo xubin ka ah golaha fatwada ee dalka Sucuudiga faraciisa deegaanka Sharqiya ee dalka Sucuudiga ayaa dhowaan soo saaray Fatwo uu ku xaaraantimeeyey in talefanka gacanta (Mobile) la isticmaalo xilliga uu qofku gaadhiga wado. Sheekhu waxa uu fatwadan sheegay xilli uu dhowaan ka qayb galayey ol’ole wacyi-gelineed oo hal-ku-dheggiisu yahay, “Maxbuus ha u noqon mobile kaaga”

Sheekh Khalaf waxa uu caddeeyey in diinta Islaamku ay ilaalisay wax yaabaha laga maarmaanka u ah bani’aadamka, kuwaas oo ah afar shay oo kala ah: Diinta, Nafta, Nasabka, iyo maalka” Muftiga oo ka hadlayey khatarta weyn ee uu talefanka gacantu leeyahay xilliga gaadhiga la wado ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa; “Gaadhi wadistu waxa ay u baahan tahay in uu qofku feejignaan la yimaaddo, waayo darawalka waxa uu xil ka saaran yahay oo in uu ilaaliyo laga rabaa, naftiisa, rakaabka iyo hantida gaarka loo leeyahay, sidaa awgeed waxaa waajib ah la daryeelo lana ilaaliyo”

Sheekh Mudlaq waxa uu ku dooday in aaladaha casriga ah iyo qalabka tiknoolajiyadda la shaqeeya ee isticmaalkoodu dunida ku soo badanayaa ay wax weyn ka beddeleen qaabkii ay u macaamili jireen, isla markaana ay leeyihiin khataro waaweyn oo ay ka mid yihiin in ay sababaan shilal, in ardaydu darajooyin hoose imtixaannada keento, furniinka lammaanaha is qaba, furfuranka ku dhaca qoysaska, iyo dadkii kala mashquulay, mid kastaana la gaar noqday qalabkiisa.