“Fashilada Siyaasada Dibada Ee Somaliland, Waxa Ay Keentay Inay Wadamada Ugu Awooda Badan Adduunku Hoos Inoo Soo Eegaan, Oo Ina Dhaliilaan”

0
727

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga  Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland, isaga oo ku eedayey inay Xukuumaddani fashilaad ka soo gaadhay Siyaasada Arimaha Dibada, taas oo uu tilmaamay inay keentay daciifnimo iyo Siyaasad xumo ay Xukuumaddani sameeysay, waxaanu sheegay in Siyaasada xumadani keentay in Wadamada Adduunka ugu awooda badani ay hoos u eegaan Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in Wadamada Jaarka la ah Somaliland inay ka shakiyaan, oo Xadadkooda xidhaan.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac ayaa sidoo kale Xukuumaddani ku dhaliilay Dagaal iyo Xabad mooye in aanay wax kale samayn, isaga oo ugu baaqay inay wada hadal iyo Gogol nabadeed wax walba ku xaliso, Xuduudaha Somaliland-na Nabad iyo wada hadal lagu gaadho.

Mujaahid Xasan  Guure Jaamac oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa dhanka kale xusay inay Xukuumaddani cadaadis, xadhig iyo cabudhin ku hayso Saxaafadda Madaxa banaan, isaga oo sheegay inay u adeegsato Saxaafadda Xeerkii Siyaad Bare, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Siyaasadii Arimaha Dibada ee Somaliland fashilaad, daciifnimo iyo maamul xumo ayey inoo keentay, waxayna taasi sababtay in Wadamada Adduunka ugu awooda badani hoos inoo eegaan, oo runtii dhaliilo inoo soo jeediyaan, taasina waa mid  aad looga xumaado, waxa kale oo iyana dhib ah in xitaa Wadamadii aynu jaarka nahay inay iyana inaga shakiyaan oo xittaa Xadadkooda inaga xidhaan, oo Xafiisyadii aynu ku lahayn  xidhaan,markaas waa in Siyaasad xumadan wax badan laga badalaa”.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa  mar uu ka hadlaayey sida ugu wanaagsan ee Xadka Somaliland lagu gaadhi karo iyo doorka Xukuumadda  ayaa yidhi “Somaliland Xabad ayey ku dhalatay, oo jiritaankeeda dad ayaa u dhintay, dhiig ayaa u daatay, oo dhibaatooyin iyo dadaal aad u dheer ayaa loo soo maray, markaas ma wacna in Xabad lagu dumiyo, ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Xabad  inuu rido oo uu dagaal ku raadiyo Xaduudaha Somaliland waxa uu ka doorbiday inuu Ciidamada keeno Caynaba oo uu Nabad qaato, Mareykankuna Xabad ayuu ku qabsan kari waayey Afganistaan iyo Ciraaq, Xukuumaddan tan iyo markii ay xilka la wareegtay waxa ay waday Dagaal iyo inay xoog  isticmaasho, Dagaalkana Wiilbaa ku dhintee Wiil kuma dhasho, in Dhiig la daadiyo oo Dhimasho timaado, oo Dagaal wax lagu raadiyo  xalku noqon maayo, Xuduudna lagu sugi maayo, Xabaduna dadka ayey sii kicnaysaa, lakiin wax walba waxa ka wanaagsan in la maro dariiq Xadka iyo Xuduudaha Somaliland lagu gaadhayo, oo ah Wada hadal iyo in la fidiyo Gogol Nabadeed, oo dadkaas laga dhaadhiciya  Dawladnimadu inay qaali tahay, cid dafiraysa Xadka Somaliland ma jirto”.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddani waxa ay cabudhin, cadaadis iyo xadhig ku haysa  Saxaafadda Madax banaan, oo waxa ay adeegsanaysaa xeerkii Siyaad Bare uu adeegsan jirey, waxaana u soo jeedin lahaa ha iska dayso cadaadiska Saxaafadda oo ha isticmaasho Xeerkii Somaliland ee laga ansixiyey Golaha iyo Madaxweynaha, waxaana ku talin lahaa in aan Jeelasha la iskaga haysan Suxufiyiinta iyo guud ahaan Bulshada kale ee xidhan ee dulmiga lagu haysto ee waa in Sharciga la mariya, oo Maxkamada la keena, isla makraana xoriyadooda loo soo celiya cidii aan dambi lahayn, xukuma lagu rida cidii dambi gashay”.