Cilmiga Ku Duugan Dunida Xayawaanka

0
1017

– Jiirka ilkihiisu ma joojiyaan korniinka iyo dheeraanta sidaa awgeed waxa uu ku xoqaa shay kasta oo ka soo hor baxa, isaga oo ka hor tagaya in aanay aad u dheeraan si aanu afkiisu u qaadi waayin ama aanay gaadhin heer aanu waxba ku cuni karin, xoqniinkaas joogtada ah ayaa sababa in hadba inta soo baxdaa ay dib u gaabato oo aanu dhererkoodu xadka ka bixin.

– Doofaanku waxaa xayawaanka keliya ee aan u adkaysan kulaylka qorraxda, maroodiguna waa xayawaanka keliya ee aan awoodin in uu boodo.

– Gorgorku marka uu duulayo isaga oo samada kor u baxay masaafad dhan 15 Kun oo fuudh ayaa uu awoodaa in uu arko jiriqaaga yar ee dhulka dul socda, markaasaa inta uu hoos isu soo daayo uu la boodaa.

– Caarada dheddig waxa maalintii xidhiidh jinsi la sameeya 25 xabbo oo lab, mid kastaana marka uu xidhiidhkaas dhamaystiro ayaa ay iyadu cuntaa.