Qaar Ka Mid Ah Cuntooyinka Aad Looga Cuno Dalalka Dadkoodu Ugu Caafimaadka Fiican Yihiin Dunida Oo Dhan

0
994

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira warbixin caafimaad oo ay dalalka dunidu ka soo saaraan xaaladda caafimaad ee guud ahaan dadkooda, sida oo kale hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka adduunka ka shaqeeya oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobey ayaa soo saara warbixinno kalle ah oo ay ku eegayaan caafimaadka dunida iyo sida ay dalalku ugu kala wanaagsan yihiin. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda ‘Business insider’ ay ku soo ururinaysaa cuntooyinka ay aadka u cunaan dalalka dunida ugu caafimaadka badan, marka la tixraaco daraasad caafimaadka dadka adduunka lagu sameeyey intii u dhexeysay sannadkihii 1990 illaa 2016.
1. Iceland: Cuntada dadku cunaan waxaa ugu badan kalluunka, sida hore loo xaqiijiyeyna kalluunku waxa uu hodan ku yahay asiidhka duxeed ee Omega3 oo u fiican caafimaadka inta badan ee xubnaha jidhka.
2. Singapore: Xawaashyada caafimaadka u fiican ayaa aad ugu badan cuntooyinka kala duwan ee ay isticmaalaan dadka dalka Singapore, waxaa ka mid ah sinjibiisha iyo Huruudda (Karkamka) oo la ogyahay in ay liddi ku yihiin caabuqa una fiican yihiin bogsiinta nabarrada, sida oo kalana kaalin muhiim ah ka qaataan dardar gelinta wareegga dhiigga.
3. Sweden: Dadka dalkani waxa ay caan ugu yihiin isticmaalka caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto, sida la ogyahayna caanaha waxaa laga helaa faa’idooyin ay ka mid tahay Kalshiyaamta oo aad qofku ugu baahan yahay iyo faytamiinno iyo barootiinno tiro badan. waxa kale oo caanaha ku jira bakteeriya iyo khamiir u fiican shaqada iyo caafimaadka dheefshiidka.
4. Ingiriiska: Khudradaha noocyadooda kala duwan ayaa aad looga isticmaala dalka Ingiriiska, waxaa si gaar ah looga yaqaanna dabacasaha cad iyo kaabashka oo labadaba laga helo faytamiinno aad ugu fiican caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here