Dhukumantiyo CIA Leedahay Oo Fashiliyey Halka Uu Ku Dambeeyey Hoggaamiyihii Naasiga Ee Hitler

53
3712


Washington (Geeska)- Dhukumanti ay leedahay wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA oo dhowaan la helay ayaa xaqiijisay warar muddo ka hor la iskadhex mari jiray, kadib markii ay caddeeyeen in basaas CIA u shaqaynayey uu sannadkii 1955 kii soo caddeeyey in hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler uu waqtigaas dhuumasho ku joogay dalalka Koonfurta Ameerika.
Degelka Internet ka ee Sputnik Brasil oo soo xiganayey wakaaladda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in basaas CIA da u shaqaynayey oo magaciisa afgarashada ahi ahaa CIMEKODY-3 uu CIA ku wargeliyey in masuul ka tirsanaan jiray Naasiga oo magaciisu ahaa Filib Sitrowin uu sheegay in ay Hitler is arkeen dagaalkii kadib.
Warbixintan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay intaas ku daraysaa in Sitrowin oo markan dambe ka shaqaynayey shirkadda boqortooyada Holland ee tamarta uu u xaqiijiyey in uu bil kasta hal mar la kulmo Hitler, gaar ahaan marka uu safarrada shaqada ku tago magaalooyinka Maraciabo oo ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Venezuela iyo dalka Colombia. Ninkan hore uga tirsanaan jiray xisbigii Naasiga ee Hitler oo ah ninka basaaska u sheegay in ay is arkaan Hitler, si uu warkiisa runnimadiisa u sii caddeeyo waxa uu basaaska tusay sawir ay isaga iyo Hitler galeen sannadkii 1954 kii, iyaga oo jooga magaalada Tunja ee bariga dalka Colombia.
Masuulkan hore ee Naasiga ka tirsanaan jiray waxa uu basaaska CIA u sheegay in sannad kadib markii ay isaga iyo Hitler wada galeen sawirkan qoraalka la socda, inuu Hitler Colombia ka guuray oo uu u wareegay dalka Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here