Faysal Cali Waraabe, Maxaa Khatar Siyaasaddeed Ku Ah? W/Q:Mohamed Hassan Daacad

0
647

Su’aashan waxa laga yaaba in aanay jawaabteedu u fududaan sida laysu weydiinayo,waayo waxay ku sal-leedahay odorosyo-siyaasaseed iman-doona oo mar kastaba sidii la-filyay si ka-duwan noqon kara,balse waxaynu ku dedaalaynaa inaynu ugu yaraan sawir-la-fahmi karo ka bixino khatara siyaasiga ah ee Faysal ku gedaaman wakhti-xaadirkan ama kuwa kusoo fool leh Mustaqbalka dhaw.

1

Faysal Cali Waraabe,waxa uu hadda hogaamiye-ka-yahay Xisbigga UCID oo ah kan ugu da’da weyn Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland,waxaana lagu tilmaamaa inuu calanka u sido siyaasiyiinta hadda saamaynta togan ku leh geeddi-socodka Siyaasaddeed ee Somaliland.Ujeedka ugu weyn ee sida uu marar badan sheegay uu siyaasadda usoo galay waxay tahay inuu wax-ka-bedello habka dhaqan-dhaqaale ee ay ku nool-yihiin Shacab-weynaha reer Somaliland,waxa uu ka mid ah shaqsiyaad qurbe-joog ahaa oo dalka u yimid si layskugu soo dhaweeyo Beeshiisa iyo Xukuumadda Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo wakhtigaas colaad sababtay inuu Dagaal-sokeeye dalka hadheeyo dhex-martay,iyadda oo ugu danbeyntii lasoo af-jaray. Waxa leeyahay hammi ah inuu dalka Madaxweyne ka noqdo,balse walli kumuu guulaysan qorshahaas isaga ah,waxaanu labbo jeer u tartamay musharax Madaxweyne,balse kuumuu guulaysan.

Faysal Cali Waraabe,waxa lagu tilmaama inuu yahay Siyaasi laab-xaadhan oo aan inta badan qarsan Karin waxa uurkiisa ku jira. Waxa la sheegaa inuu yahay shaqsi ay ku weyn-tahay Somaliland-nimaddu oo fagaarayaasha si cad ugu weerara ciddii uu u arko inay Somaliland dhaawac-la-maagan-yihiin. Waxa uu si weyn u kala yaqaanaa qabaa’ilka Somaliddu iyo Deegaamaddooda oo wakhtiyaddii hore kasoo shaqeeyay,ka hor intii aannu siyaasadda kusoo biirin. Dadka dhaliilaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay siyaasi aan go’aan joogto ah lahayn,isla-markaasna ay suura-gal-tahay in waxii uu shalay aaminsanaa uu maanta fikrad ka duwan la-shiryimaado.

Mudada dheer uu ku fadhiyay Kursigga Gudoomiye-nimmo ee Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID,waxay keentay inuu samaysto asxaab badan oo Caalamka iyo gobolkaba ah,waxaana uu inta badan shirar kaga qeyb-galaa wadamadda Caalamka.Waxa uu xidhiidh-dhaw la-leeyahay

Wadamadda,Haay’addaha iyo Ururadda Somaliland ka-taageera dhinaca Doorashooyinka iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyadda.

Doorashadda Soo socota ee la-filayo inay dalka ka qabsoomto sannadka 2017-ka, waxa Faysal Cali Waraabe u qorshaysan inuu noqdo Musharax Madaxweyne oo markii saddexaad ka sharaxan Xisbigga uu budh-dhigiisa leeyahay ee UCID,balse markan inuu kursigga madaxweyne-nimo ku guulaysto,waxa kala weyn inuu yimaado Musharax kale oo Madaxweyne-nimaddiisa ka raalli-yahay,isaguna aannu ku qaddin ee Xisbiggiisu ka helo Mansabyo waaweyn oo ugu yaraan saddex meelood labbo ka ah guud ahaanba Laammaha kala duwan ee Dawladda;sida Fullinta,Garsoorka iyo Gollaha wakiiladda,taas oo uu aamminsan-yahay in aannu fursad noocaas ah helaynin haddii aannu gallin khamaar siyaasaddeed.

Qodobka ugu weyn ee aynu rabno inaynu hoosta-ka-xariiqno ee Mustaqbalka Siyaasaddeed ee Gudoomiye Faysal Cali Waarabe khatar siyaasaddeed ku ahi waxa weeeye,iyadda oo ay dhalato sannadka 2017-ka Xukuumad uu madaxwene-ka-yahay Siyaasi ay Faysal Cali Waraabe col-siyaasaddeed yihiin,taas oo keenaysa inay soo gabo-gabawdo inuu kusii dhex-jiro Saaxadda Siyaasadda,inta intaas ka horsaysa Faysal waxa ka go’an talaabbo kasta oo uu arrintaas kaga hor-tagayo inuu qaado,xataa haddii ay taasi keenayso inuu Musharax noqdo Teeramkii Saddexaad,isaga oo walli aan kalsooni buuxda ku qabin inuu guulaysanayo.Waxa uu hadda xidhiidh wanaagsan la-leeyahay Xukuumadda uu wakhtigu kasii gabo-gabadayay ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne SIILAANYO,isaga oo muddo dheer mucaarad-darbi ah kusoo ahaa Xukuumadda iyo Xisbigga ay ka dhalatay ee KULMIYE-ba,waxaana uu hadda u muuqdaa Siyaasi aan labbo-furimood oo dagaal-siyaasi ah aan isku-furrayn,taas oo keenni karta inuu Qorshihisu hir-gali-waayo. Madaxweyne SIILAANYO oo aan mar-labaad tartan doorasho galayn iyo kala-danaysiga Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE,waxa loo arkaa in cidda kalli ah ee si wanaagsan hadda uga faa’iidaysatay ee qaar ka tirsan garabyadda is-hirdiyay gacan-saar hoose la lihi inuu yahay Gudoomiye Faysal,isaga oo ujeedkiisa ugu weyni-na yahay inay halkaas uga soo baxdo Fursad kaga mid-noqon-karo shaqsiyaadka loo-dabo fadhiisto taladda Guud ee Dalka,isaga oo haysta Jaanis aanay haynin Siyaasiyiin badan oo Saaxadda dibadda ka-jooga,ka dib markii ay mid noqon-waayeen Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka hogaamiya.

La-soco.. Qeybaha danbe,Haddii Eebbe Idmo.

W/Q:Mohamed Hassan Daacad,Suxufi,qoraa ah,

Email: Daacad461@gmail.com