Omega3 Dux Laga Helo Kalluuka Oo Kor U Qaadda Awoodda Wax-Akhriska Ee Carruurta

0
641

1Istanbul (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Sweden ayaa daahfutay in asiidhada duxda ah ee lagu magacaabo Omega3 oo carruurta la siiyaa ay wanaajiso xirfadda wax-akhris ee carruurta, gaar ahaan carruurta dhibaatadu ka haysto dhinaca waxbarashada.

Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Gothenburg ee dalka Sweden, oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka caanka ah ‘Clinical child psychology and psychiatry journal’ oo ka faallooda cilminafsiga carruurta iyo daweyntooda dhinaca maskaxda ayaa tijaabooyin lagu sameeyey 154 carruur ardaya dugsiyada ah oo da’doodu u dhexeyso 9 illaa 10 sano ah lagu ogaaday in carruurta da’dan ah ee muddo 3 bilood ah la siinayey cunto lagu daray Omega3 ay muuqatay in ay dhinaca akhriska iyo heli-ogaanta ereyada luuqaddaba kaga fiicnaadeen da’dooda la xaaladda ah ee aan la siinin Omega3.

Dr. Mats Johnson oo hoggaaminayey kooxda cilmibaadhistan samaysay, ayaa sheegay in Asiidhka duxda ahi uu muhiim u yahay in ishaarooyinka dareenku isaga gudbaan unugyada neerfeed, nidaamiyaanna hannaanka digniineed ee maskaxda ay ishaarooyinku ku baraarujinayaan.

Omega3 oo ay daraasaddani caddaysay in ay aad u caawiso carruurta lagaga cawdo heerka ku baraarugsanaanta duruusta iyo dhugmada ama u fiirsiga ilmaha, ayaa waxaa laga saaraa kalluunka duxda leh sida noocyada loo yaqaanno Solomon, Tuna, Mackerel, Sardine iyo saliidda kalluunka ee diyaarsan oo la isticmaalo, sidoo kale waxaa jira dawooyin marka horeba laga sameeyey duxda asiidh ee kalluunka oo laga heli karo farmasiyada.

Cilmibaadhiso hore ayaa lagu ogaaday faa’idooyin dheeraad ah oo qofku uu ka heli karo Omega3 waxa aana ugu horreeyey in qofka ay ka daweeyaan diiqadda iyo xaaladaha nafsiga ah, wadne xanuunka, macaanka, kelyo xanuunka, in ay yarayso heerka kalastaroolka dhiigga raaca iyo in ay ka hortagto xaglo xanuunka iyo cudurka xubnaha ku dhaca ee Roomatiisanka.

Waxa kale oo ay daraasadahaasi xuseen in jidhka oo hela asiidha duxda ah iyo Faytamiin D, ay si weyn u caawiso garaadka, iyo awoodda dhugmadiisa, kana hortagto xaddi badan oo ka mid ah khalkhallada ku dhaca maskaxda, gaar ahaan ka lagu arko carruurta oo uu ugu horreeyo cudurka faquuqa ku keena ilmaha ee afka qalaad Autism ka lagu yidhaahdo, waxa kale oo ay Omega3 ilmaha ka ilaalisaa hoos u dhaca fahamkiisa iyo awooddiisa dhugmo ama u fiirsi.