Olole Ka Dhan Ah Miinooyinka Burco Ku Aasan Oo Shalay La Qaaday

0
487

Picture3Burco(Geeska)-Olole ka dhan ah Miinooyinka ka qarxa magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer ayaa si toos ah uga bilaamay qaybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi .

Ololahan oo ay fulinayso Hay’adda Halo Trust  oo kaashanaysa booliska Burco ayaa hawlgaladeedan ka bilowday Xaafadaha 15-May ,Oktoober iyo Maxamed Cali  “ Halkan aynu joogno waa goobtii qaraxu ka dhacay Laba Todobaad ka hor ee Xaafada Aktoober ee Burco waana meesha u horeysa ee aanu howlgalka Miino baadhista ka bilaabayno ,waxaana hawshan fulinaaya Cagafyo loogu talogalay sifaynta Miinadda iyo Laba Tiin oo u tabobaran , kuwaasi oo labada galinba shaqayn doona ,waxaananu ka codsanaynaa bulshada xaafadahan in ay gacan siiyaa Ololahan Miino baadhista “ Sidaasi waxa yidhi Sarkaal sare oo u hadlay Hay’adda Ololahan waday .

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji oo isna howlgalkan miino saarista ka hadlay Kulan uu la yeeshay waxgaradka Burco ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . “ Waxaan aad iyo aad idiinku guubaabinayaa waxa baritoole magaalada Burco ka bilaamaya Miino baadhkii ,waxaana bilaabaaya Laba Tiin oo Hay’ada Halo Trust ka soo xaraysay goboladda hareeraheena ,Labadaa Tiina waxa ka mid ah Tiin Cagafyo ah ,cagaftaasina meesha ay ku soo hagaagto way maraysaa ,waxaana laynooga baahanyahay dadweynaha reer Burco Shaqaalaha miino baadhista wadaa in aynaan wax tacadiya iyo waxdhibaato ah u gaysan, ee gacana la siiyo “ Sidaasi ayuu yidhu Badhasaabku .

Geesta kale Taliyaha Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Axmed Ilkacase ayaa  dadweyna reer Burco ku wargaliyay in ay talaabo cad ka qaadayaan cidii is hortaagta Ololahan Miino saarista ee ay Hay’adani wado ,kuwaasi oo xaafadaha magaalada baadhis ku samayn-doona gaar’ahaan Seesaska ,Wadooyinka iyo Aqal Somaaliyada .

Ololahan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay cabashooyin xoogani ka yimaadeen Qaraxyadda Miino oo dhawaan ka dhacay magaalada Burco kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac-ba sababay isla markaana ay cabsigaliyeen Bulshadda.