Ciidamada Taraafiga Oo Bilaabay Hawlgallo Lagu Yareynayo Shilalka Gaadiidka

0
466

Picture2Hargeysa (Geeska) – Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa nabadgalyada ayaa bilaabay hawlgalo ay kaga hor-tagayaan Mushaakilaadka ka dhasha shilalka gaadiidka ee aadka ugu soo badanaya dalka isla-markaana bilhii u dambeeyay galaaftay dad badan.

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland, sareeye guuto Cabdilaahi Fadal iimaan, oo shalay ka hadlayay Munaasibad wasiirka Wasaaradda arrimaha guduhu ku guddoonsiiyay gaadiid cusub oo ciidanka nabadgalyada wadooyinku ku shaqeyn doonaan, ayaa soo bandhigay sharciga loo baahan yahay in wadayaasha gaadiidku ku dhaqmaan mararka ay Magaalooyinka gudahooda marayaan.

Taliyuhu, waxa kale oo uu sheegay inay xidheen baslayaal badan oo aan haysan sharciga wadista gaadiidka.

Taliyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu idiin sheegaynaa inaanu bilownay hawlo adag oo dhinaca taraafikada ah oo aad ololaheedaba aad arkayseen saaka (Shalay), Magaalooyinka dibaddooda waxaanu dhigi doonaa baabuur Ooto-ootooyin leh (Isgaadhsiin) iyo ciidan ganaaxa gaadiidka xawaaraha sare ku socda”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Xeerka nabadgalyada wadooyinka qodobkiisa 75 iyo 76-aad, wuxuu tilmaamayaa baabuurta xamuulka ahi xawliga loo ogol yahay inay ku socdaan Marka ay Magaalooyinka ka baxaan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guud ahaan dirawada gaadiidka waxaan farayaa in ciddii sharcigaa khilaafta in si adag sharciga loo marin doono, si loo xakameeyo shilalka oo baryahan batay. Waxa la mid ah gudaha Magaalada, waanu inaanu gaadhiga socodkiisu ahaado 20KM, markaa ciddii xeerkaa ku gefta waxay ciidamada nabadgalyadu ka qaadi doonaan talaabo sharci ah oo adag”

Taliyuhu, wuxuu digniin u diray wadayaasha Basaska ardayda qaada “Waxaan halkan digniin uga soo jeedinayaa wadayaasha basaska ardayda qaada oo aanu horena dhowr goor ugu dignay, waayo saaka (shalay) gaadiidkii la qabtay waxa ugu badnaa basaska, wax liisan leh ama sitay may jirin, dhammaantoodna talaabo ayaa laga qaaday, wax la ganaaxay iyo wax la xidhay oo sharciga la hor-geyn doono”ayuu yidhi.

Ciidamada nabadgalyada wadooyinka ayaa hawlgalladan bilaabay ka dib shilalka gaadiidka oo aad u batay.