“Waddanku Badbaado Ayuu U Baahan Yahay, Meel Aynu Ku Socono Garan Meyno, Siyaasad Xumo Ayaa Ina Haysata, Xaaladdeena Guud-na Waa Ay Murugsan Tahay”

0
456

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha ugu cad cad aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadley xisaab xidhadii 2008-2013-ka oo shalay laga ansixiyey aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay in xeerkaas ay ku jireen qaladaad badan oo u baahna in laga soo saaro,balse ay xildhibaanada muxaafadka ah si duuduub ay ku ansixiyeen, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanadii shacbiga u soo doorteen in ay u adeegaan ay u shaqaynayaan xukuumada.

Md:Siciid Cilmi Rooble, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay magaalada Hargeysa uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in xisaab xidhadii 2008-2015-ka ay buuxiyeen xisaab musuq maasuq aad u badani. "Horta maanta nasiib darro ayaa dhacday, ceeb ayaa dhacday, muddo dheer ayaa waxaa na horyaalay xisaab xidhadii, oo ah waliba xisaab xidho qaldan, oo musuqmaasuq buuxiyey oo wax allaale iyo waxii dhaqaalahii umadda ahaa lagu takri falay, gudi ayaanu lahayn, gudida Maxamed Cali Xirsi ayaa guddoomiye u ahaa muxaafa iyo mucaaradba waa ay lahaayeen, si wacan ayaa ay u soo shaqeeyeen, si karaamo leh oo ay karaamo ku jirto, oo xil gudashadii golaha wakiilada waafaqsan ayey u soo shaqeeyeen, waana ay noo soo buuxiyeen, waxaa la yidhi arrimaasi dhamaantood waa ay qaldan yihiin sida uu xeerku sheegayo cadaymo taageeraya kumay lifaaqneyn, xisaabta lafteedu waa ay qaldan tahay, waxaan soo jeedinaynaabay yidhaahdeen in bahaladaa la celiyo inta laga soo saaro, doo dee ma ceeba ku jirta, waa maya dee.dabadeeto waxaa dhacday waxii halkaa ahaa ee aad ogeydeen qarankan iyo umaddan shilinka yar laga guraayo, waajibkayagu waa in aanu illaalinaa, anagu kama wakiil nihin xukuumada shacbigaanu u adeegaynaa shacbigaa na soo doortay, in aanu ka illaalino xukuumada waxii dulmi ah, ee shacbiga ma taqaana aad waxa kula kacaysaan uu waajib kayagu yahay, ragbaa xilkoodii garan waayey oo xaga kale u wareejiyey, maanta cod baa nalagu muquuniyey”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaa isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata uu yidhi:“Wax allaale iyo waxii qaldanaa oo dhana sidaas ayaanu ugu adeegnay waanu maqleynay Maxamed Cali Xirsi dhawr meelood lagala soo hadley oo si kastaba loola hadley si qarsoon iyo si sareba laakiin waxa weeye waa Maxamed Cali Xirsi nin karaamadiisa Illaalinaaya, waa xildhibaanada illaaliya dhaqankoda iyo karaamadooda.halkan barito ayaanu ka tageynaa godna waanu galaynaa shaqadana waanu ka tageynaa barito”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in dalku u baahan yahay badbaado qaran, waxaana uu carabka ku dhuftey in dalka uu hadheeyey musuq maasuq aad u balaadhani, iyada oo sida oo kalena uu tibaaxay in xaalada guud ee wadanku ay murugsan tahay.

“Illaahayoow rabigayoow meesha lageyn doono nimkaa muxaafidka ah, rabiyoow ha nageyn anigu waxaan shacbiyoow idiin sheegayaa musuqii la sheegayey waa uu buuxa, laakiin waa taasoo gabigiisiiba duuduub ayaa lagu liqay sidii uu u dhamaaba, waxaan rajaynayaa shacbiyoow halkan gole idiin ma joogo maanta oo badidiisiba waa kaa maanta shaqadiisii xukuumada u wareejiyey maanta, wadankuna bad baado ayuu u baahan yahay aduun inooma noola,arrin inooma noola, meel aynu ku socono garan meyno,siyaasad xumo ayaa ina haysata,dhaqaale xumo ayaa ina haysata,xaaladeena guud waa ay murugsan tahay, doorashana Allaahu aclam, oo dee feejignaada ayuunbaan idin leeyahay"Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.