Odayaal Reer Awdal Ah Oo Xukuumadda Ku Taageeray Hawlaha Macdan Baadhista Simoodi

0
516

Borama(Geeska)-Qaar ka mid ah salaadiinta iyo odayaasha deegaanka Simoodi ee gobalka Awdal ayaa xukuumadda Somaliland ku taageeray shirkadda Shiinaha ah ee ay heshiiska kula gashay inay hawlo ka bilowdo gobalkaas. “Waa deegaankii Somaliland waxaana iska leh dadka aan suldaanka uu ahay waxa aan doonaynaa si xun waxa uu sheega inaan ka jawaabano oo aanu taageerno hawlaha la waddo.” Ayuu yidhi Suldaanku. Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaal kale oo beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inay xoolo ku dhinteen deeganadaas.

Waxa isna halkaas ka hadlay caaqil Daahir cismaan Cilmi, oo soo dhaweeyay shaqada ay shirkadda Shiinaha ahi halkaas ka bilowday.