Wadada Wadnaha Hargeysa Oo Hal Haad Laga Dhigay

0
605

Picture1Hargeysa (Geeska)-Waddada Halbawlaha u ah Magaalada Hargeysa oo dhawaan uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade in laga dhigayo hal haad oo Baabuurtu dhinac kaliya uwada soconayaan waxa Shalay Waddada Halbawlaha u ah Magaalada Hargeysa  iyadoo ciidanka ilaalada wadooyinka (Traffic) ay joogaan.

Waddadan Halbawaha u ah Magaalada Hargeysa oo hormarta Madaxtooyada iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa waxa  kaliya oo maraya Baabuur u socda dhinaca galbeed.

Dhinaca kale   baabuurta u socota dhinaca bari  ayaa  loo asteeyey inay maraan laamiga mara  dhinaca danbe ee Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Laakiin waxa shalay ay dadku kala kulmeen jahawareer.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in Shalay laga bilaamo Wadada wadnuhu ay hal haad noqon doonto, waxaanu tilmaamay in Waddada kale ee iyana Cisbitaalka weyn ee Hargeysa dhinaca waqooyi ka martaa iyana hal haad noqon doonto, waxaanu sidoo kale iftiimiyey inay la wado Caalamadihii muujinayey meelaha ay isku yimadaan ama iskaga xidhmaan Waddooyinku.

 Dhinaca kale Bulsho weynta reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimadda, Darawalada, Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Wasiiradda Xukuumadda ayaa arintan aad ugu khal-khalay.

Qorshahan ayaa u muuqda mid deg deg ah oo aan looga baaraan degin waana sababta keentay in iyadoon la samayn calaamadihii digniinta maalin qudha lagu bilaabo in haadkii la bedelay.