Warshadaha Korontada Ee Hargeysa iyo Berbera: Maxamed Cali Saxardiid

0
599

Picture1Adeegyada guud eel agama maarmaanka u ah hirgelinta horumarka iyo daryeelka baahiyaha kala duwan ee nolosha aadamaha aad ayey u tiro badan yihiin, adeegyada caynkaas ah waxaa ugu mudan biyaha iyo korontada oo la mid ah hawada la neefsado iyo dhuuniga la quuto ee daruuriga u ah nolosha dadka.

Dal kasta bulshadiisu waxay u baahan tahay inay hesho biyo iyo koronto oo uu sixirkoodu aad u jaban yahay oo qofka dadka ugu saboolsan ee ugu dakhliga yar uu qiimahooda iska bixin karo. Fulinta iyo hirgelinta arrintaasi waxay waajib ku tahay oo xaq loogu leeyahay kolba xukuumada dalka ka talisa ee uu shicibku u igmaday daryeelka danihiisa.

Magaalada Berbera waxaa maamulka biyaha iyo korontadaba si buuxda gacanta ugu wada haysay dawlada, waxa kale oo ay dawladu gacanta ku haysay wakaalada biyaha ee Hargeysa iyo warshadii korontada oo laydhka siisa wax aan ka badnayn 25% oo ka mid ah xaafadaha magaalada, inta kalena waxaa korontada siiya shirkado gaar loo leeyahay. Magaalooyinka kale ee dalka intooda badan waxaa maamuulka biyaha iyo korontada gacanta ku wada haya shirkado ganacsi oo gaar loo wada leeyahay, waxaa iyana xus gaar ah mudan in sixirka ay Somaliland joogaan qiimaha biyaha iyo korontadu uu qaali dhaaf yahay oo uu ka dalalka dunida kale oodhan sixad dhaaf ah uga sareeya.

Warshadaha korontada ee dalka ka jira oodhan waxaa mishiinadooda lagu wada shidaa naafatada caadiga ah oo ah ta ugu qaalisan noocyada shidaalka kala duwan ee aduunka laga isticmaalo, waxa kale oo intaas dheer in qiimaha shiidaalka Naaftada ee dunidu uu si is-daba jooga u kordho oo ganasatada Somaliland keentaa ay dulsaar xadhaaf ah ku sii daraan si ay ugu yaraan dakhligoodu kharashkooda u dabakho oo ay khasaare ka baxsadaan, waxaa cid kasta oo warshada koronto maamusha khasab ku noqonaysa in mar kasta oo uu sixirka shidaalku ku kordhaba ay iyana qiimaha laydhka kordhiyaan.

Sidaas daraadeed si hadaba loo xakameeyo kor u kaca qiimaha biyaha iyo korontada ee dalka waxaa dawlada laga rabay oo  ku waajib ah in ay wakaaladaha labadan Hay’adood oodhan ay iyadu gacanta ku hayso sida dalalka kale ee duniduba ay sameeyaan oo kale ay miisaaniyada ugu darto lacag lagu kabo is dhinka dakhligooda. hasa-yeeshee arrintaasi may dhicin balse waxay dalwadu waliba ku talaabsatay inay labadii warshadood ee korontada Hargeysa iyo Berbera oo ahaa kuwa kaliya ee ay iyadu gacanta ku haysay ay ku wareejisay kooxo ganacsato ah oo sidaas ku yeeshay.

Warshadii korontada ee magaalada Berbera ayey dawladu bishii 1-1-2015 ay si kedis ah ugu wareejisay koox ganacsato ah oo la sheegay in xubnahoodu ay dhinac gaar ah u badan yihiin, waxa kale oo ay dawladu 1-10-2015-kii koox kale oo ganacsato ah ugu wareejisay warshadii korontada ee caasimada Hargeysa.

Dadweynaha ku kala nool caasimada Hargeysa iyo Berbera ayey aqlabiyadoodii talaabadaas ka biyo diideen oo ay intooda badani si cadho leh uga soo hor jeesteen. Ma jeceli in aan faalo intaas ka badan arrintan ka bixiyo, hasa-yeeshee waxaynu dhawri doonaa natiijada talaabadaas laga dhaxli doono.

Maxamed Cali Saxardiid