Obama VS Putin: Salaan Aan Niyo Ahayn, Gacmaha La Isa Saaraa

3
537

Picture3Markii uu Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, soo gaadhay barxadda hoolka uu ka furmayay shirka G20, waxa salaam diiran ku qaabilay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Marka muuqa la eego si diiran ayay isu salaameen, ereyo kooban oo kaftan ahna way isku tuur-tuureen. Labada nin ee sidan isu salaamayaa waxa ka dhexeeya dagaal siyaasadeed oo adag.

Madaxweyne Obama, wuxuu taaganyahay in la duqeeyo dalka Suuriya si talada looga tuuro Madaxweyne Bashaar Asad, Laakiin Ruushka ayaa taagan in weerarkaasi uu yahay gardardaro mar haddii aanu Maraykanku qaramada midoobay u bandhigin cadaymaha uu ka hayo inuu Madaxweyne Asad isticmaalay suntan kiimikada ah.

Iyagoo halkaas kala taagan ayuu haddana Madaxweyne Obama wadanka Ruushka kaga qayb galay shirka G20. Marka laga tago salaamahooda aan niyadda ahayn, waxa wejiyadooda iyo guud ahaan shirkaba laga dheehan karayay kala fogaanshaha iyo aragtiyaha kala durugsan ee labada hoggaamiye.

Waxase ay yeesheen kulan gaar ah oo 20 daqiiqo socday, markii uu dhammaadayna waxay labadooduba cadeeyeen inaanay xal u helin kala duwanaanshahooda aragtiyeed. Nin waliba wuxuu dhagaystay aragtida ninka kale, laakiin isfaham way gaadhi kari waayeen.

Madaxweyne Obama, wuxuu sheegay inuu kulankaasi ahaa mid ay si furan ugu wada hadleen Vladimir Putin, laakiin aanay wax isfaham ah ka gaadheen, “Putin iguma raacin aragtida Maraykanka ee ah in weerar lagu qaado Suuriya.” Ayuu yidhi Obama.

Madaxweyne Putin, ayaa isna yidhi, “Iguma raacin aragtidayda, kumana raacin tiisa, laakiin waanu is dhagaysanay.”

Si kastaba ha ahaate, shirka ay labadan hoggaamiye isugu yimaadeen iyo kulanka gaarka ah ee ay yeesheen midkoodna xal ugumay helin faraqa u dhexeeya aragtiyahooda kala fog. Waxaanu kala fogaanshahooda siyaasadeed uu taaganyahay halkii uu markii hore taagnaa.

Comments are closed.