Arday Ka Qalin Jebisay Qaybaha Kala Duwan Ee Machadka Daarul-Iimaan Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyay

5
570

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka tirsan machadka Daarul Iimaan.

 

Munaasabada abaal marinada lagu gudoonsiinayey ardaydan oo ka qabsoontay xarunta dugsigaas ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland,la taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada,xubno ka socday wasaarada waxbarashada,maamulka,macalimiinta,ardayda iyo waalidintay ardaydoodu wax ka dhigtaan macaahida Daarul Iimaan.

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo quraanka, isaga oo waalidiinta,maamulka iyo macaliinta macaahidaasna u soo jeediyey dardaaran la xidhiidha ardayda ay gacanta ay ku hayan. Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta hadaladisii ka mid ahaa “ Farxad weyn ayey noo tahay inaanu ka soo qayb galno munaasibadan aynu caruuta ku gudoonsiinayno abaal marinada kala duwan, anaga oo ilaahay ka baryeyna inuu inoo balaadhiyo machadkan Daarul Iimaan,waxaanu uga soo qayb galaynaa munaasibadaha noocan ah gaar ahaan macaahida islaamiga ah oo ah buddhigii diinteena inaanu dhiiri gelino, siyaasada ay xukuumadu ka leedahay waxa weeyaan inay is garab taagto oo aanu horu marintooda iyo dedaalkeeda kor u qaado, Intii ay xukuumadu jirtay waxaanu qabanay wax badan oo aad dareemaysaan in kor loogu qaadayo quraanka ilaahay iyo diinta, waxaana loo baahan yahay inaynu dhamaanteen is garab taagno barashada quraanka kariimka ah iyo culuumta diinta Islaamka.”

Maamulaha guud ee macaahida Daarul Iimaan Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed iid) oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen macaahida Daarul Iimaan isaga si gaara u tilmaamay wax qabadyada sanadkii tagay u hir galay macaahidan waxaana hadaladisi ka mid ahaa “ Macaahida Daarul Iimaan waxa la sameeyey sanadkii 2003 iyada oo maanta laga joogo toban sano, waxaana lagu aas aasay qaybta xifdiga quraanka kariimka ah waxaana dhawr sano gudahood raacay qaybta culuumta shareecada iyo luuqada carabiga qaybtaas oo aynu maanta u joogno qalin jabintii ugu horaysay, maantana waxa farxad inoogu filan inay ardayda macaahida Daarul Iimaan u diyaarsan tahay heerarka kala duwan ee waxbarashada laga bilaabo xifdiga quraanka ilaa heer jaaamacadeed, waxaanan u mahad naqayaa gudoomiyaha jaamacada Gollis oo suurta galiyey inaanu gacanta ku qabano kuliyada shareecada islaamka iyo daraasaadka islaamiga ah oo ardayda ka baxda macaahida Daarul Iimaan ay aqoontooda jaamacadeed ka sii wadan karaan.”

La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ardaydan xafidsan kitaabka ilaahay ee ka soo baxay machadka Daarul Iimaan waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “ Waxa maanta sharaf ah in maamulka,macaliimta iyo waalidiinta machadkan inay ku tabceen ardayda qiimaha iyo qaayaha leh ee kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka loo xanbaariyey, waxaanan u mahad naqayaa waalidiinta ardaydan oo tacab badan galiyey iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen waxbarashada caruutooda iyaga oo waliba kula dadaalay waxbarashadii ugu qiimaha badnayd ee ilaahay agtiisa qiimaha ku leh, xukuumad ahaan waad fahmi karaysaan inay xukuumadan tahay xukuumadihii dalka soo maray  tii arimaha diinta ugu dhagaha nuglayd.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xubno ka socday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland,madax dhaqameed,waalidiinta iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood soo jeediyey in la sii wadoo dedaalka la galinayo caruurta yaryar ee ku wajahan dhinaca diinta. Ugu danbayntiina waxa shahaadooyin la gudoonsiiyey arday dhamaystay qaybta shareecada ee Machadka Daarul Iimaan iyo arday xafiday quraanka kariimka ah iyo waliba sidoo kale ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadkii laga qaaday sanad dugsiyeedkan.

Comments are closed.