Mashaariicdeeda Mooyee, Waabay Nooga Dari: Mujaahid Cali-Gurey

12
577

Picture4Wasiirada Axmed Silanyo kuwa ugu misuq maasuqa badan,ee ugu eexda iyo qaraabo kiilka badan, yaad odhan lahayd sedexda ugu horeeya.?. Markii waxa laga yaabaa in wasiirka madaxtooyadu uu noqdo ka ugu horeeya ee madaxaaga ku soo dhaca sababta oo ah hadal hayntiisa oo ka badan hadii la isku wada daro hada haynta inta kale ee wasiirada ah. Taasina wax uu ku galab sado oo kale ma jirto ee waxa la og yahay awoodaha intiisa ka badan ee gaadhsiiyay in ay wasiiro badani indhaha hoos uga rogtaan iyaga oo ka baqaya in hadii ay sutida u qabtaan isaga daraadii uu mansabkiisa ku waayi karo.

Inta ugu tirada badan golaha wasiiradana isagaa ba qortay oo ay daba joogaan kuna qasban yihiin inay u dhego nuglaadaan ama ku shaqaystoba. Intaas oo dhami iyadoo jirta ayay hadana suurto gal tahay in mid iyo laba’ba ay liiska ka horeyn karaan marka ay musuq maasuqa tahay ku ladhan eexda, qabyaaladda, iyo qaraabo kiilka ba. Waxa jira kuwo aan iyagu han kale lahayn sida Xirsi arkayna xaaladda odayga reerka na sida Xirsi ka tirsan. Marka ay musuq maasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka tahay Xirsi waa bikh. Waxa ka horeeya Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, in kastoo dhawaan laga wareejiyay biyaha iyo kan Duulista Hawada. Labadooda iyo Xirsi ba waxay ka mid yihiin wasiirada idman oo odayga adeersada birtiisuna, in kastoo aanay beer bislaaday kala goyn hadna seefta isku shaan dhaynta la yidhaa iyagu waxay ka haystaan belaayo xijaab. Xirsi iska daa isaga ee mid keliya oo colkiisa ah lama taaban karo, ka uu doonona waabu sii dalac siiyaa. Sidaa daraadeed isku shaandhaynta odaygu waa seef qooraha wasiirada reerkiisa ka soo jeeda aan karin laakiin kuwa reeraha kale ka soo jeeda uun lagu saliday.
Wasiirka Macdanta ayaa ah libaaxa aan ciyin ee looga caagay kaynta musuq maasuqa, eexda iyo qaraabakiilku hadhsado. Isaga waxan miisaaniyadda la leeyahay ba quud uma yaqaan. Shirkadaha sahanka shidaalka iyo macdanaha kale ayuu marka uu quruskiisa la fuqo ee la fuqo ee hadna la fuqo ayuu waxoogaa yadii loogu talo galay waciyi gelinta iyo horumarintna afka iska mariyaa. Hadhow ayay dadkii oon qardhac loo tuurin oo kacsan shanqadhina u baxday ay shaqadii shirkadda is hortaagaan marka ay doonto in degaankooda ay ka bilawdo. Mar kaasaa dabeed la isku yaac yaacaa, ha loo diro colkii ka hor tagga argagixisada( RRU) iyana dhoomberkii u xasaysnaa baa nin weliba la soo baxaa waa nay isu qaylo dirtaan kii geela lagu raacayay iyo ragii sitay oo gurmada ayaa raabe raabe isaga soo daba dhaca car iyo car bay gaadhaa, inta goor ee la isku sigtayna cadad ma leh. Alleh ha inoo sahalo! Waar shidaalkeedna mooyaane armay inooga daraanoo nabadgelyadii yarayd eeynu dhoob dhoobnay inaga kala tuuraan.
Waxay tidhi islaantii jirtay" Anana mar uun baanu axamo qalan"! Waxay xukuumadani ina baday wax ina bartay baa ka sii daran. Xukuumadu waxay ahayd inay dhiiri geliso in dadku ay wax wada yeeshaan sidii caadada u ahaan jirtayna dhib iyo dheefba ay wadaagaan. Marka mashruucii ugu horeeyay ee ugu waynaa dalka wixii qandaraasyo laga helay lagu bixiyay eex iyo qaraabo kiil ee in yar oo isku reer ihi keligood wada qaataan saw dhibaatadeeda ma laha mana yeelan doonto. Xumo iyo wanaag mid ay tahayba waa sunne uu inoo dhigay Madaxwayne Axmed Silanyo. Tan qandaraasyada lafteeda ayaynu og nahay inta goor ee la isku sigtay.
Arinka Wasiirka Macdantu sahanka shidaalka uun maaha. Waar wixii dalka korkiisa iyo hoostiisa yaalay inta shakhsi ama koox warqad yar uu siiyay hoosta ku haysta ee isagu siiyay tiro ma leh. Waxa ka daran kuwa shisheeyaha uu heshiis yada kula galay oo kumanyaal km baaxadoodu tahay wax laga gurto iyo wax laga helo iyo si la yidhaa aan cid garanaysaa jirin. Halista wasiirka macdanta iska dhaaf inaga eh waxa lagu socdaa waa in mustaqbalkii caruurteena qalaylka lagu liqo inta odaygu madaxtooyada yaal eenu war iyo wacaal u hayn xaaladda runta ah ee ka jirta dalka.
Wasiirka Duulista Hawadu isagu waa qof buka oo nac iyo ciil iyo colaad iyo calool xumo iyo xasad iyo buqdi ay wadaageen oo aanay waxba kaga tegin. Ilaahay ka daweeya ayuu leeyahay. Madaarka Hargeysa ma jecla haday tiisa tahayna waa bu dumin lahaa. Isagoo marka hore Hargeysa nacaybka ku caan baxay ayaa misna madaarkeedii loo bixiyay Cigaal International Airport. Marxuun Cigaalna markuu ka yaabay mucaaridadiisa waa kii u bixiyay Cusaama Bin Ladan marka indhaha ku dhufto magaca Cigaal ayay meel go'daa kamana bedeli karo. Waxa nasiib daro ah ninkii shalay mucaaridada iyo nacaybka Cigaal fatihiyay ee reerka dhan gaadhsiiyay in uu maanta marka qof mucaarid ihi wax ka sheego beentiisa, tuugadiisa iyo musmaasuqiisa uu yidhaa " Madaxwaynaha ayuu qof ahaan, iyo qoys ahaan iyo qolo ahaan u neceb yahay"

Madaarka Hargeysa waxa duulimaadyada laga xidhay iyadoo aan wixii shaqadiisa lagu bilaabi lahaa aan wax ka diyaar ihi jirin. Markii dambe waxa la bilaabay in gacanta lagu buux buuxiyo meelihii googo'ay iyadoo qalabka la adeeg sanayay uu kaaryoone ahaa, isaguna uu og yahay oo aanu beenin karin. Maal maalmaha ka mid ahayd oon soo arkay ayaan ka hadlay. Maalinta aan ka hadlay maalintii ka dambay sayna waxa ka soo degay Madaxwanaha. Muxuu sameeyay afar maalmood oo xin iyo xasad ah ayaa la isugu wada tegay in kaariyoonihii la tuuro oo si deg deg ah loo soo hawl geliyo dhawr makiinadood oo aan hore marna loogu isticmaalin hawsha. Ka dib cay iyo af legaado ayaa TVga la soo fadhiistay. Anigu juuq uma odhan waayo waan aqaan inu shakhsiyad rakhiis ah yahay. Hadii isaga iyo aniga uu mid kaayo Hargeysa wanaag la jeclyahay in aanu isaga ahayn ee aniga yahay ilaahay iyo dadkuna way og yihiin. Cusaame ayaa Hargeysa jecel Caligureyna wuu neceb yahay waa hadii ay reer Hargeysa ka siistaan.
Iska daa waxa uu lunsaday iyo guryaha England eh shaqaalaha ayaanu og nahay in uu eex iyo qaraabo kiil iyo qabyaalad keliya uu ku shaqaaleeyo. Hadana "nin leh baa u doobayay" adeerkii baa u madaxwayne ah oo waa lama taabtaan Wuxu doono ayuu samayn karaa. Waxan is waydiinayaa cadaaladda Dr.Xuseen Xoog eriday ee Cusaame, Xirsi, ka Macdantii iyo ninkii Ciyaaraha deysay. Dee waa ta Axmed Silanyo ee cadaalad daradu ay cadaaladda tahay.

Comments are closed.