Obama Oo Sheegay In Sannadka 2030 Ka Ay Dadku Safarro Ganacsi Ah Ku Tegi Doonaan Meeraha Farraare (Maris)

0
607

8Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa maalintii shalay ee salaasada ahayd ku dhawaaqay in uu gacan ka geysan doono sidii 14 sano gudahood safarro ganacsi dadku ugu tegi lahaayeen meeraha Farraare ee afka qalaad lagu yidhaahdo Maris, (Sidoo kalana loo yaqaanno Meeraha Cas). Barak Obama waxa uu ballan qaaday in uu shirkado cusub oo u gaar ah dhismaha dayax-gacmeedka kala shaqayn doono samaynta dayaxgacmeedyo cusub oo ay u suurtogelayso daryeelka iyo qaadista dadka safarrada dhaadheer ku tegeya hawada sare.

Maqaal uu Barak Obama ku qoray qaybta aragtida akhristaha ee bogga internet ka uu ku leeyahay talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa uu ku yidhi, “Waxa aanu jaangoynay hiigsi cad oo muhiim ah, kaas oo aanu ku soo bandhigayno cutubkii labaad ee qisada Maraykanka iyo hawada sare, waxa anau noqonayaa in aanu Soddonaadka qarnigan meeraha faraarre u dirno aadame, kadibna iyaga oo badqaba ku soo celinno dhulka, himiladayada u dambaysaana ay tahay in aanu maalin uun suurtogelinno in dadku ay muddo dheer meerahaas iska sii joogi karaan”

Hadalka Obama ayaa ku soo beegmay maalmo yar ka hor shir uu Guriga Cad ee Maraykanku qorsheeyey in uu toddobaadkan ku qabto magaalada Pittsburgh ee galbeedka Pennsylvania. Waxa aana shirkaad looga gol leeyahay in lagu dhiso koox saynisyahanno iyo arday isugu jirta oo ka shaqayn doonta kordhinta dadaalka lagu horumarinayo suuqa ganacsiga ee hawada sare.