Obama Iyo Xasan Rooxaani Oo Si Toos Ah U Wada Xidhiidhay

0
642

Picture1Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa khadka talefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Iran Xassan Rouhani oo kamid ah hogaamiyayaasha ku sugan New York ee ka qeyb galaya shirkada Qaramada Midoobay.

 

Inkastoo labada hogaamiye ay ku wada sugnaayeen shirka Qaramada Midoobay, hadana ma dhicin inay si fool ka fool ah u wada kulmaan, inkastoo ay wada kulmeen Wasiirada Arrimaha Dibada ee labada dal.

Barack Obama ayaa Xassan Rouhani khadka telefonka kula hadlay iyadoo tani noqoneyso markii ugu horeysay oo ay Madaxweynayaasha labadaasi dal si toos ah u wadahadlaan tan iyo intii uu dalka Iran ka dhacay kacdoonkii Islaamiga ahaa ee 1979 ee xukunka looga tuuray Boqortooyadii taageerada ka heli jirtay dalka Maraykanka ee Shaah.

Labada hogaamiye ayaa la sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ay ka wadahadleen lagu sheegay xal u helida Barnaamijka Nuklieyrka ee dalka Iran oo keenay cunaqabteynta caalamiga ah ee saaran dalkaasi Iran.

Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani oo shir jaraa’iid Jimcihii  ku qabtay magaalada New York ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay wadahadal dhab ah iyo in heshiis laga gaadho arrimaha Nukliyerka, wuxuuna sheegay in Iran ay diyaar u tahay in dhamaan Gobalka Bariga Dhexe laga suuliyo hubka sida ba’an wax u dila iyo Nukliyerka, balse loo baahan yahay in wakhti lasiiyo wadahadalada furmi doona dhawaan.