Ururka Caalamiga Ah Ee Akhwaanul-Muslimiin Oo Isugu Yimi Shir Uu Ku Baadhayo Sababaha Fashilaadda Masar

2
635

Picture2Lahore (Geeska)- Toddobaadkii hore waxaa magaalada Lahore ee dalka Pakistan shir aad u ballaadhan isugu yimi, hoggaamiyeyaal diineed Muslimiin ah, madaxda iyo masuuliyiin sare oo ka socota ururka caalamiga ah ee Walaalaha Muslimiinta (Akhwaanul Muslimiin) si ay dib ugu eegaan sababaha ururka ku keenay hoos u dhaca lama filaanka ah ee kaga yimi dalka Masar iyo weliba sida awooddii xoogga lagala wareegay aanay u muujin shacbiyaddii xad dhaafka ahayd ee la filayey in ay ku leeyihiin dalkaas. Kulankan oo si guud ajandihiisa loogu sheegay in uu yahay gorfaynta qadiyadaha Islaamiga ah, waxaa marti geliyey urur siyaasadeedka Islaamiga ah ee Al-jamaaca Al-Islaamiya ee dalka Pakistan, arrimaha kale ee lagaga hadlayna waxaa ka mid ahaa sidii ay islaamiyiintu uga faa’idaysan lahaayeen kacdoonnada ka socda dalka Suuriya.

 

Ururka shirkan marti gelinaya ee Aljamaaca Al-Islaamiya ayaa sheegay in kulankan ay ka soo qayb galeen aqoonyahanno iyo maskax-maal ka socda 25 dal oo muslim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Masar, Suuriya, Marooko, Tuuniisiya, Muriteeniya, Suudaan, Indooniisiya, Malaysiya iyo Turkiga. Waxaana la filayaa in kulankani uu dhisi doono guddiyo si cilmiya u soo daraaseeya sababaha keenay in shacbiyadda ururka Walaalaha Muslimiinta ee dalka Masar ay si xawli ah hoos ugu dhacdo, kadib doorashadii madaxweyne Maxamed Mursi oo xilka hayey hal sano oo keliya. Sidoo kale waxaa kulankan laga filayaa go’aamo iyo fikirado lagu daweeyo qaladaadka dhacay, lagana barto duruus looga faa’idaysto dalalka kale ee ay hadda Akhwaanku talada hayaan ama rajada ka qabaan in ay qabtaan.

Ururka Akhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa la aaminsan yahay in sidii la filayey aanu ugu guulaysan in uu inqilaabkii askarta kadib dunida tuso awoodda shacbiyada uu ku leeyahay dalka Masar, ama in uu yeesho saamayn siyaasi ah oo indhaha dunida si iyaga dantooda ah ugu soo jeediya waxa ka dhacay dalka Masar, iyo weliba in ay dunidu ka hadasho culayska iyo ciqaabta amni ee ay askarta inqilaabka ee Masar ku hayaan dadka taageersan ururkooda.

Wararka laga helayo hoggaanka sare ee ururkan Walaalaha Muslimiinta (Akhwaanul Muslimiin) ayaa sheegaya in muddadii ka dambaysay inqilaabka Masar uu ururku aad ugu hawlanaa sidii uu dib isugu haybayn lahaa ugana go’aan qaadan lahaa tallaabooyinka uu qaadayo inqilaabkii kadib. Dalka Pakistan waxaa dhowaan xilka madaxnimada ku guulaystay Nawaz Shariif oo hoggaamiya xisbiga Ar-Raabida Al-Islaamiya  oo leh aragti aad ugu dhow Akhwaanul Muslimiinta, waxaana suurtogal ah in ay taasi tahay sababta ay akhwaanku shirkooda ugu doorbideen dalkaas.

Comments are closed.