Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Oo Eedaymo Loo Jeediyay

0
487

Hargeysa (Geeska) – Xoghayihii hore ee degmada Kalabaydh ee gobolka Sool Maxamed Cali Axmed, oo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee maamulka gobalada iyo degmooyinka Cismaan Garaad Soofe  oo xilka ka qaaday ku eedeeyay inuu sifo aan sharci ahayn xilka uga qaaday.

Maxamed Cali Axmed, oo qoraal kooban soo gaadhsiiyay Geeska Afrika ayaa yidhi “Anniga oo ah xoghayihii degmada Kalabaydh ee gobolka Sool, markii xilkaasi la ii Magacaabay wax badan baan u qabtay, anniga oo furay xafiiskii dawladda hoose oo leh astaantii iyo qaranka, markii aan muddo sidaa hawsha u waday ayaa waxa hawshii ila qaybsan waayay maamulkii degmada oo aad runtii moodo in aanay xil hayn, arintiina waxay gaadhay Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha oo marka wasiirka arimaha guduhu maqan yahay sabab la’aan u badala maamulada degmooyinka ama Gobollada Sabab la’aan, isagoo ka duulaya masuul degmo oo ay maalin wada murmeen, ka aargoosi ama koox ula timaada ninkan naga bedel. Ka dib isagoo aan Somalilandimo tixgelin kaga faa’iidaysta inta uu wasiirku maqanyahay oo bedel ku sameeya isagoon wasiirka waxba ogaysiin. Waxaanan halkan ku soo gudbinayaa anigoo ahaa xoghayihii degmada Kalabaydh ee gobalka Sool, Madaxweyne waxaan ku odhan lahaa wasiir ku xigeen dadka soo dhaweeya noo soo magacoow haddii aan nahay gobalka Sool.