Nuxurka Kulan Xalay Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Madaxda Ururka Xaqsoor

0
549

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay qaabilay madaxda urur siyaasadeedka Xaqsoor, oo ka mid ahaa ururadii ka qayb galay tartankii doorashada madaxtooyada balse aan ku guulaysan inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran.

 

Kulankaas oo aan saxaafadda loogu tallo gelin waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa guddoomiyaha Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ku xigeenkiisa Cali Sandule, ku xigeenka labaad Axmed Cabdi Kaahin (Casood), Axmed Aw Cabdi Shaacir, halka ay dhinaca xukuumaddana Madaxweynaah ku weheliyaan wasiirada maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, madaxtooyada Xirsi Cali, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mawliid Maxamuud Ibrahim iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Markii uu kulankaasi dhammaaday waxa saxaafada wada jir ula hadlay Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Cali Sandule, oo labaduba ka mid ahaa guddi rasmo oo muddooyinkii u dambeeyay waday wada hadalo loogu gogol xaadhayay kulanka xalay.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirka maaliyadda, ayaa yidhi “ Anaga oo ah gudi laba geesood ah sadex xubnood oo xukuumada ah iyo saddex xubnood oo ururkii Xaqsoor ee hadhay ah farxadwayn ayay noo tahay inaan caawa meel wanaagsan soo gaadh siino arin aan muddo ku hawlanayan,si is af-garad iyo walaaltinimo iyo is calool xaaadhasho iyo is fahan ah, inaan si mabdiyan ah ugu heshiinay anaga oo waxii tafaasiil ahana dib ka sheegi doona.”

Cali Sandule, oo ka socday Xaqsoor, ayaa isna yidhi  “ Waxa lagama maarmaan noqotay in waxii lagu heshiiyay iyo in la heshiiyayba aanu saxaafada u sheegno,waxaanu xukuumada ku heshiinay qodabo muhiim ah oo mabdi’iyan ah, waxayaguna baadhitaan uma baahnee  waa wax hawl hoosaad ah, mar hadii aanu isla af garanay waxii guud, caawa [xalay] waxaanu ku wada jirnaa madaxtooyada waanan ku wada jiri doonaa,dad weynahana waxaan u sheegaynaa inay hawshaasu ku dhamaatay is af-garad, waxaanan u sheegaynaa dadweynaha in hawshaasu ay ku dhamaatay is af-garad oo wax danbe oo ka daba imanayaa aanay jirin.” xaan usheegaynaa inay hawshaasu ku dhamaatay is afgarador ee