Ciyaartoyga Hargeysa Iyo Gabiley Oo Isku Faro-saaray Hadhimo Uu Wasiirka Khaarajigu U Sameeyay

0
507

Picture4Hargeysa(Geeska)-Ciyaartoyga gobalada Hargeysa iyo Gabiley, ayaa shalay isku faro-saaray hadhimo-sharafeed uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, u sameeyay afarta gobol ee u soo baxay wareega semi-final-ka ee ciyaaraha gobalada Somaliland. Labada gobol ayaa maanta iskaga horimanaya ciyaar loogu gudbayo ciyaarta u dambaysa tartanka ciyaaraha gobalada.

Hadhimadaas oo ka dhacday hoteelka Maansoor, ayaa isu bedeshay buuq iyo fowdo, ka dib markii ay is farosaareen qaar ka mid ah ciyaartoyga labada gobol oo la sheegay inay is maandhaafeen. Waxaana kala gaadhay ciidamada Booliska oo aakhirkii ku guulaystay in dibadda loo soo saaro ciyaartoyga Hargeysa, oo la sheegay inay dhaawacyo gaadheen qaar ka mid ah.

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa shirqool ciyaartoyga Hargeysa lagaga baajinaayay ku tilmaamay qado sharaftaas uu wasiirka arimaha dibadu sameeyay.

Sida oo kale xildhibaankan waxa uu  soo jeediyay In hayadaha amaanku ay amniga ciyaarta maanta ah sugaan si aan iskudayo kale u dhacin, waxaanu sheegay in ciyaartooyadooda ay soo gaadheen dhaawacyo ka dhashay wax uu ugu yeedhay shirqoolkaas.  “ Waxa loo yeedhay gool hayaha kooxdan kubada cagta ee Hargeysa waan lagu bilaabay, waxaanan u arkaynay inaanay casuumad waxani ahayne inay shir qool ahayd, ciyaartoyada badankoodu waxay qabaan dhaawacyo oo ilaa tabobarii ayaa dhaawacan oo nabaro ay soo gaadheen, wasiirkii qorshahan noo dhigay maxaa dhalinyaradii gaadhay macaa muu odhan, waxaanan u aaminsanahay inuu ahaa shir qool  ciyaartooyada nalagaga laynaayay, waxaan ka codsanaynaa hayadaha amniga inay ciyaarta bari dhacaysa ay amnigeeda sugaan shir qoolkan ka soo badbaadnaye, maayarkana waxaanu ka codsanay inuu caawa ciidan ciyaartoyada u soo diro si ay ciyaarta u gaadhi karaan, wasiirada waxaan ugu baaqayaa inay fahmaan inay qaranka dhamaantii ay xilu hayaan oo aanay u ahayn qabiil gaar ah iyo gobal gaarah toona.” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Cagayare oo xalay u waramay shabakadda Caynaba News.

Guuleed Cabdi Cabdilaahi oo ah gool hayaha gobalka Maroodi-jeex oo dagaalku uu isaga ka bilaabmay oo dhacdadaas ka hadlay ayaa isna yidhi “Waxa nalagu marti qaaday kulan qado ah oo la yidhi waxa laysugu keenayaa  afarta kooxood ee isku soo hadhay, markii aan gudaha u soo galay goobtii qadada waxa ii yeedhay laba ciyaartoy markii aan dhankooda u soo kacay way I’aflagaadeeyeen midna timaha ayuu I qabtay markaas nin baasidka Gabilay u ciyaara ayaa dagaalkii ku bilaabay mid saaxiibkay ahaa oo iga  soo daba kacay, waxa loogu soo talo galay sidii ciyaarta barina looga fadhiisin lahaa, markiibana waxa nalagu boobay kuraastii iyo koobabkii.”

Ugu dambayn waxa dejinta ciyaartoyga Hargeysa gacan weyn ka gaystay Wasiirka warfaafinta Abiib Diiriye Nuur iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, oo labaduba wakhtigaas ku sugnaa hoteelka ay qadadu ka dhacday.

Ciyaaraha gobalada Somaliland oo loogu tallo galay inay bulshada isu soo dhaweeyaan ayaa u muuqda inay dareen xaasaasi ah bulshada dhex geliyeen, kuwaas oo aan lagu arki jirin tartamadii gobalada ee hore dalka looga qaban jiray.