Nuxurka Khudbadii Uu Obama Ka Jeediyay Caleemo Saarkiisa

0
519

 

343Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbad ku aaddan munaasabadda bilowga xilligiisa labaad ee Aqalka Cad ee Mareykanka, kaddib markii lagu dhaariyay fagaaraha Capitol Hill ee magaalada Washington.

Madaxweynaha ayaa waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida wax looga qaban lahaa dhibaatada qoryaha Mareykanka iyo dadka soo galootiga ee sharci darrada ku yimaada dalka Mareykanka. Waxaa kale oo uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibedda.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale doraad waxa lagu dhaariyay xaflad yar oo lagu qabtay Aqalka Cad.

Boqolaal kun oo dad ah ayaa isugu yimid goobta xafladdu ka dhacayso ee magaalada Washington si ay u daawadaan khudbadda Madaxweynaha, oo ay raaci doonaan socod iyo cayaaro.

Xafladda caleemo saarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay maanta oo ah maalinta lagu maamuuso Martin Luther Kin oo ahaa nin caan ah oo xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqi jiray.

Madaxweyne Obama ayaa ah ninkii ugu horreeyay ee madow ah oo Afrika ka soo jeeda oo madax ka noqda dalka Mareykanka.

Obama ayaa waxa u yaal arrimo waaweyn oo ay tahay inuu wax ka qabto gudaha iyo dibeddaba afarta sano ee soo socota.