Milicsiga Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, Guushii Rayaale, War-warkii Cabdilaahi Yuusuf, Habacsanaanta Maanta iyo ku-wiirsiga Muqdisho

0
532

 

rayaaleAkhri Warbixinta Wikileaks Ee Walaacii Uu Cabdillaahi Yuusuf ka Qabay Xidhiidhkii Rayaale iyo Maraykan

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu meel wanaagsan gaadhsiiyay xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo dalka Maraykanka, waxaanu xidhiidhkaasi noqday mid ay Somaliland kaga dheeraysay dawladihii kala dambeeyay ee loo dhiso dalka Somalilya.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku guulaystay inuu saamayn ku yeesho dhegaha qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka Maraykanka ee ku sugan bariga Afrika, waxaanay taasi u saamaxday in kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ms. Jendayi Frazer safar ku timaado magaalada caasimadda ah ee Somaliland. Safarkaasi wuxuu sababay in warbaahinta dunidu ku soo jeedsato Somaliland iyagoo warbixino kala duwan ka qoray safarkaas.

Sidoo kale xoghayaha gaashaandhiga dalka Maraykanka Mr. Robert Gates, ayaa safar uu dabayaaqadii sannadkii 2007 ku yimid gobalka Geeska Afrika, wuxuu dalka Djibouti ka sheegay inay dawladiisu la shaqayn doonto xukuumadda Somaliland ee Hargeysa. Markaas wixii ka dambeeyayna Madaxweynihii Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu safar ku tagay dalka Maraykanka, isagoo magaalada Washington kula kulmay madax ka tirsan dalka Maraykanka gaar ahaan kuwa qaabilsan ammaanka iyo dhaqaalaha iyo weliba xubno ka mid ah aqalka Koo