Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Aaska Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle Oo Geeriyooday

1
617

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay ka qeyb galay aaska ALLE ha u naxariistee Marxuum- Aadan Tarabi Oogle, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda oo lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee Magaaladda Hargeysa.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qeyb galay aaska Marxuum-ka ayaa ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraanbadii, Goleyaasha baarlamaanka iyo shacbi-weynaha uu ka baxay marxuumku, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaayo geerida ku timidXILDHIBAAN AADAN TARABI Oogle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaasi, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Comments are closed.