Nuxurka Buugga ’13 Arrimood Oo Aanu Saynisku Jawaab U Helin’: Dawada Ismoodsiiska Ah / Cilaajka

0
863

Inkasta oo aanu saynisku diidin dabiibka ‘Balaasiibo’ maadaama oo la arkay saamayn uu ku yeelanayo xaaladda qofka. Haddana marnaba jawaab waafi ah uma helin sababta cilmiga ah ee dabiibkani ku imanayo.

Michael Brooks isaga oo sharraxaya dabiibka ‘Placebo’ waxa uu sheegayaa in uu qofka ku abuuro raad ah in uu dareemo ka soo rayn.

Dabiibkan ayaa uu sheegay in uu yahay mid soo dhoweyn iyo mudnaan ku dhex leh goobaha sayniska iyo arrimaha cilmiga lagaga warramo ee xitaa mac-hadyada dawladaha ee caafimaaku ka mid yihiin. Arrinta uu Brooks hoosta ka xariiqayaa se waa in daweyntan cidda ugu badan ee isticmaashaa ay yihiin sixiroolayaasha iyo wadaadada kaniisadaha ama kuwa falka ku shaqaysta, haddana iyada oo ay sidaas tahay in uu yahay dawo laga arko natiijooyin yaab leh, oo xitaa dhakhaatirita iyo cilmibaadhayaashu ay qirayaan, sayniskuna aanu jawaab u haynin.

Arrimaha kale ee uu qoraagu ka hadlayo waxaa ka mid ah, dayaxgacmeedka Pioneer 10, ee uu Maraykanku hawada sare u diray sannadkii 1973 kii, kaas oo ahaa dayaxgacmeedkii ugu horreeyey ee sawirkii ugu dhowaa ka soo qaaday meeraha Cirjeex (Jupiter), isla markaana noqday walax bani’aadam sameeyo tii ugu horreysay ee ka baxa xuduudka bahda qorraxdu midayso (Solar System), isla markaana markii ugu horreysay gaadha masaafada ugu fog ee qorraxda uu qorraxda ka fogaaday. Haddaba sannadkii 2003 dii ayaa ay saynisyahannadu waayeen xidhiidhkii dayaxgacmeedkan, iyada oo sababta loo malaynayo cillad fogaanta awgeed ku timi qaybta korontada, illaa maalintaasna isku day kasta oo la sameeyey waa lagu guuldarraysanayey.

Waxa kale oo uu qoraagu ka warramayaa nolosha (ruuxda) oo saynisku aanu u haynin jawaab aan ahayn in ay tahay xaqiiqo kiimikaadyo. Waxa kale oo uu xusayaa qoraagu in saynisku aanu weli ka gun gaadhin in nololi ka jirto meereyaasha qaar iyo inkale, waxa loo yaqaanno seenyaaleyaasha aan la aqoonsan, oo abuuray shaki ah in uu jiro xidhiidh dhexmaray koonka iyo noole ku dhaqan meereyaasha kale ayaa isaguna weli dihin. Fayraska weyn, oo looga jeedo fayraska Pthovirus oo ah farays la aaminsan yahay in uu jiray 30 kun oo sano ka hor ayaa isna weli sayniska hawshiisu u taallaa.

Fayraskan saambal ka mid ah ayaa laga helay gunta hoos ee barafka gobalka Siberria ee dalka Ruushka. Waxaana lagu tilmaamay mucjiso sababi karta in dib loogu noqdo wixii uu saynisku hore nolosha uga aaminsanaa. Waxa kale oo ay saynisyahannada wax badani kaga maqan yihiin cilmiga jinsiga iyo siyaabaha tarantu ku samaysanto, iyo arrimo badan oo kale. Dhammaad.