Faysal Iyo Cirro Oo Soo Xaqiijiyay Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Biixi

0
1056

Haregsya (Geeska) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Iyo UCID ayaa Xalay booqasho ugu tagay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Labadii Maalmood ee u dambeeyay ayaa waxa soo baxayey Warar aan xaqiiqadooda la ogayn oo sheegayey in Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Biixi aanay wanaagsanayn, taasi oo abuurtay shaki.

Laakiin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo doonaya inay xaqiiqda arrintaa soo taabtaan ayaa Xalay Madaxweynaha booqday isla-markaana soo salaamay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika la xidhiidh la sameeyay ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu caafimaad qabo isla-markaana aanu wax dhibaato ah qabin, waxaanay ku booqdeen gurigiisa uu ka degenyahay Hargeysa.

Sawiro la baahiyay ayaa muujinaya Madaxweyne Biixi oo dhexda ugu jira labada guddoomiye xisbi mucaarad oo taag-taagan.