Waa Maxay Jacaylku? Muxuu Se Maskaxda Aadamaha Ku Sameeyaa?

0
3100

In badan ayaa aynu maqalnay iyada oo lagu eedaynayo in qofka uu helaa cunto ka go’o, hurdo ka dheeraado, maskaxdiisuna had iyo jeer maahsanaato oo duni kale oo u muuqata dhex muquurato, iyo in ceebaha qofka aynu jecelnahay uu innaga indhasaabo. Taloow, waa maxay jacayl? Maxaa maskaxdeenna ku dhaca marka uu jacayl taabto? Cilmiga iyo culimada dareenwadayaashu se weli jawaab saynis ah ma u raadiyeen?

Jacaylku waa dareen aanay weli culimada saynisku ka gun gaadhin waxa uu dhab ahaan yahay iyo sida uu ula falgalo maskaxda, laakiin inta la ogyahay jacaylku waxa uu ka shaqaysiiyaa maskaxda qaybaheeda ka masuulka ah barashada, farxadda, niyad wanaagga, sarraynta, firfircoonida, abaalmarinta, dhiirranaanta, raalli ahaanta iyo dareennada togan oo dhan. Waxa aanu si gaar ah u abbaaraa maskaxda qaybteeda loo yaqaanno VTA.

Qaybahan maskaxda ee ay culimadu sheegeen in jacaylku la falgalaa waxa kale oo ku xidhan dareenka hooyonimada ee ay hooyadu u qaaddo ilmaheeda. Sida oo kalana qaybtani waxa ay la falgashaa guud ahaan mar kasta oo uu qofku si gaar ah wax u xiiseeyo ama u jeclaado, sida kubadda cagta.

Tijaabooyin iyo baadhitaanno sawirrada maskaxdu ka mid yihiin oo lagu sameeyey dad jacayl qaba ayaa muujinaya in maskaxda qaybteeda firfircoonaata marka uu qofku xasuusto cid uu jecelyahay, ay tahay uun isla qaybta firfircoonaata ama shaqaysa marka uu qofku cuno maandooriyaha Cocaine.

Dareenka jacaylku waxa uu sababaa in jidhku uu soo daayo ‘Dopamine’ oo ah maaddo kiimikaad oo masuul ka ah dareen fiican in ay maskaxdu dareento farxad iyo xasilooni. Laakiin marka uu qofka ku cusub yahay waxa uu keenaa in uu kaco hormoonka Cortisol, taas oo sababta in wadnuhu uu garaaca dedejiyo iyo in qofku uu dareemo walaac iyo isku dhex-daadsanaan badan. Waxaana ka dhasha in dadka qaar ay baabacooyinka gacmaha ka dhididaan. Waxa kale oo uu jacaylku sababaa in jidhku kordhiyo maaddooyinka kiimikaad ee ‘Pheromone’ taas oo sababta isu soo jiidanka jinsi ee lammaanaha, inkasta oo midkaas dambe aanu saynisku weli xaqiijin. Si kastaba ha ahaato ee inkasta oo uu jacaylku saamayntaas kala duwan la leeyahay maskaxda, haddana weli khubarada caafimaadku ma’ay xaqiijinin maadadda kiimikaad ee iyadu ka masuulka ah jacayl.

Haddaba waa maxay jacayl?

Jacaylku si la mid ah dhammaan afkaarta, dareennada iyo habdhaqannada kale ee aadamaha, waxa uu isaguna ku yimaaddaa hawlgallo fiisigis oo maskaxda gudaheeda kadhaca, iyo isla falgal aad u kakan oo dhex mara hawlgalladaas. Laakiin intaas kuma koobna ee waxaa jira dareenno kale oo badan oo aawiya abuuranka jacaylka lammaanaha dhex mara.