Nus Milyan Qof Oo Afrikaan Ah Ayaa Sannad Kasta U Dhintay Cudurka Kansarka Oo Qaaradda Fara Baas Ku Haya

0
875

Hargeysa (Geeska)- Xanuunka Kansarka oo imika ah sababta ugu badan ee adduunka loogu dhinto sannad kasta, ayaa hadda noqday dhibaatada caafimaad ee ugu daran ee ka jirta qaaradda Afrika, waxaana dhibaatada sii xoojinaya warbixinaha kala duwan ee laga samaynayo dhibaatooyinka ka jira Afrika oo aan inta badan lagu soo qaadin jiritaanka iyo heerka uu marayo xanuunka Kansarka, taasina ay yaraysay ama meesha ka saartay dareenkii loo qabi lahaa oo keeni lahaa in wax ka qabashadiisa lood dhaqdhaqaaqo.

Warbixinno caafimaad oo dhowaan soo baxay ayaa sheegay in dad lagu qiyaasayo 650 Kun oo Afrikaan ahi ay xanuunkan qabaan, tiro nus milyan ah oo ka mid ahina ay sannad kasta u dhimato xanuunkan.

Warbixintu waxa ay ka digaysaa in haddii xaalka Kansarka ee Afrika uu ku sii socdo sida uu hadda yahay ay dhici karto in sannadaha shanta ah ee soo socda ay tirada dadka dadka Kansarka u dhimanaya sannadkii ay gaadho hal milyan oo qof, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigaysa in uu ka mid noqdo sababaha ugu badan ee loogu dhinto qaaradda dihin.

Marka Afrika gudaheeda laga hadlayo waxa ay warbixinuhu sheegayaan in dalalka ku yaalla koonfurta lama degaanka weyn ee Afrika ay horumar weyn ka sameeyeen la dagaallanka cudurkan.

Dadaallo iskaashi gudaha iyo beesha caalamka ah oo sannadihii u dambeeyey ka socday qaaradda Afrika ayaa ku guulaystay in boqolkiiba 60 hoos loo dhigo heerka dadka qaaraddan ugu dhinta cudurka duumada, halka xanuunka dabaysha carruurtuna uu qarka u saaran yahay in uu dabar go’o. Waxa kale oo ay dadaalladani hoos u dhigeen tirada dadka Afrika ugu dhiman jiray cudurka dila habdhiska difaaca aadamaha ee AIDS ka, laakiin waxaa nasiibdarro ah in aan guulo kuwaas la mid ah laga samaynin la dagaallanka xanuunnada khatarta ah laakiin aan gudbin ee uu ka mid yahay Kansarka, oo dadka uu ku dilo dalalka soo korayaa ay ka badan yihiinba dadka u dhinta iskudarka cudurrada Duumada, AIDS ka iyo Qaaxada.

Sababta gaabiska wax ka qabasho la’aanta cudurkan ayaa ay warbixintu sheegaysaa in ay ka mid tahay qaaradda Afrika oo dhaqaale boqolkiiba 5 keliya ah ka hesha kharashaadka caalamiga ah ee lagaga hortago cudurkan, iyo mashaariicda Afrika lagaga caawiyo arrimaha caafimaadka oo xoogga saara xanuunnada faafa.

Dawooyinka, dhakhaatiirta takhasuska ah iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo tiro yar ayaa ka mid ah arrimaha caqabadda ku noqday xakamaynta cudurkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here