Apple Oo Soo Saartay Taleefanka Iphone 11 Oo Ka Kooban 3 Nooc, Iyo Waxyaabaha Uu La Gaarka Yahay

0
1916

Washington (Geeska)- Shirkadda Apple ayaa shirkeedii sannadlaha ahaa oo qabsoomay salaasadii toddobaadkan ee 10-ka Sabtembar waxa ay kaga dhawaaqday jiil cusub oo ah taleefankeeda iPhone, kaas qaybihiisa u horreeyaa ay toddobaadkan suuqa soo geli doonaan.

Taleefanka cusub ee ay shirkaddu soo bandhigtay waxa uu ka koobanyahay saddex nooc, oo lagu kala magacaabo iPhone 11, iPhone 11 Pro iyo iPhone 11 Max.

Jiilkan cusub ee taleefannada shirkadda Apple oo leh kamarado aad u tayo badan, ayaa noociisa koowaad ee iPhone 11 waxa uu dhabarka dambe ku leeyahay laba kamaradood, laakiin aanay isbedello badani u dhexeyn kamaradii hore ay u lahaayeen taleefannadii dambe ee shirkaddu. Qiimaha ay shirkaddu suuqa ku soo gelinaysaana waa 699 doolar. Nooca labaad ee iPhone 11 Pro, waxa uu dhabarka ku leeyahay saddex kamaradood, waxa aanu qiimihiisu ka bilaabmayaa sagaal boqol sagaashan iyo sagaal doolar. Nooca saddexaad oo lagu magacaabo iPhone 11 Max waxa ay shirkaddu ugu talagashay in uu qiimihiisu ka bilowdo kun iyo sagaashan iyo sagaal doolar ($1099).

Taleefanka cusub oo iibkiisu suuqa Maraykanka u soo galay jimcihii shalay ee 13 Sabtembar 2019 ka, 20-ka Sabtembar ayaa ay shirkaddu si rasmi ah u bilaabaysaa rarka shixnadihiisa lagu iibinayo suuqyada ka baxsan Maraykanka.

Shirkadda ayaa si taxaddar leh u goysay qiimaha cusub ee ay ku iibinayso taleefankan cusub iyada oo niyadda ku haysa in muddooyinkii u dambeeyey suuqa taleefannadeeda baadeecatal caajis ku jiray. Sida oo kale dadka lafagura arrimaha teknoolajiyada ayaa sheegaya in shirkadda Apple ay aad isaga ilaalinayso in ay soo wada bandhigto adeegyadeeda cusub oo dhan, illaa inta ay soo saarayso taleefannada ku shaqayn doono jiilka shanaad ee 5G oo la filayo sannadka dambe.

5G waxa uu fududayn doonaa in taleefannada gacantu ay ku shaqeeyaan xawaare aad u sarreeya, ayaa ay xeeldheereyaashu saadaalinayaan in ay shirkaddu la sugayso adeegyo ay ka mid yihiin adeegga talefishanka oo laga daawan doono barnaamijyada caanka ah ee ay ka mid tahay ‘Oprah Winfrey’ kaas oo ay kula tartamayso shirkadda Neflix iyo Walt Disney, lagana yaabo in ay dhaafto. Waxa kale oo ay Apple diyaarinaysaa in ay sii wanaajiso adeegyadeeda dhinaca ciyaaraha carruurta.

Dhinaca kalana shirkadda Apple waxa ay ku dhawaaqday in bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan ay bilaabi doonto adeeg cusub oo ah baahinta talefishannada, kaas oo ay qof ka bishii ka qaadi doonto lacag dhan 4.99 (Shan doolar). Dhawaaqa shirkadda Apple ee soo gelista dunida baahinta ayaa durbadiiba abuuray cabsi dhinaca suuqa ah oo soo waajahday shirkadihii hore ugu jiray adeeggan, waxa aanay sababtay in qiimaha bishii ay ku kirayn jiray uu hoos u dhaco, in ay adeegyadooda sii wanaajiyaan iyo in ay soo kordhiyaan barnaamijyo gaar ah oo dhinaca carruurta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here