Madaxtooyada Somaliland Oo Daan-daansi Qorshaysan Ku Tilmaantay Qalab Ciidan Oo Dawladda Shiinuhu Siisay Soomaaliya

0
669

Madaxtooyadu Waxay Sheegtay In Xilliga Qalabkan Ciidan lagu soo beegay ay u arkaan in loogu Talo-galay in Lagu Carqaladeeyo Xidhiidhka Bilowga Ah ee Somaliland Iyo Maraykanka

Hargeysa  (Geeska) – Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay Gaadiid dagaal oo Dawladda Shiinuhu siisay Dawladda Soomaaliya Jimcihii doraad.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, ayaa qalabka ciidan ee dowladda Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya maalintii Jimcaha, ku tilmaamay talaabo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Agaaasime Bille oo qoraal ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayaa taageerada millateri ee Shiinaha ku tilmaamay daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan, xili Madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Washington DC.

“In uu Shiinuhu agab millateri siiyo Soomaaliya xlili Madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Maraykanka, maaha isku soo aad caadi ah, laakiinse waa daan-daansi la doonayo in lagu waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyo iskaashiga soo baxaya ee Maraykanka” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cali Bille.

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha, ayaa xumaaday tan iyo markii ay sannadkii 2020 xidhiidhka la yeelatay Taiwan, sidoo kale xidhiidhkan ayaa uga sii daray xidhiidhka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya oo aan awalba fiicnayn.

Somaliland ayaa isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saaxiib qadiimi ah la ah, waxayna u aragtaa fursad ay reer galbeedka kaga heli karto taageero la mid ah ta ay Taiwan siiyaan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa tartanka gobolka Geeska Afrika ay ugu jiraan waddanka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office