Xog Iyo Digniin Caafimaad Ku Aaddan Sigaar Nuugista

0
490

Xabadda keliya ee sigaarka ah waxaa ku jira 600 oo ah tubaako, Nikootiin (Nicotine) iyo maaddooyin kala duwan oo suna ah, dhammaan maaddooyinkaasi waxa ay khatar ku yihiin caafimaadka, waxa aanay sababaan geeri.

Cilmibaadhiso lagu sameeyey khatartaas caafimaad waxa ay muujiyeen in ay sigaarka ku jiraan in ka badan Toddoba kun (7000) oo maaddooyin kiimikaad ah, waxaa ka mid ah 69 maaddo oo marka ay gubtaan kansar keena. Sidaas awgeed nuugista sigaarku waxa ay keentaa xanuunno uu ka mid yahay kansarka iyo wadne xanuunka oo ka dhasha raadka taban ee ay nuugista qiiqa sigaarku ku keento xididdada dhiigga, wadnaha, iyo sambabada.

Hay’adda Qaramada midoobey ee caafimaadka adduunka (WHO) ayaa warbixin ay soo saartay bishii July 2021 waxa ay ku caddaysay, in kala badh dadka sigaarka cabbaa ay u dhintaan sababtiisa. Tirada guud ee dadka sigaarku dilaana waa 8 milyan oo ruux sannad kasta, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ahi ay u dhintaan sabab toos xidhiidh ula leh sigaar nuugista, halka ku dhowaad 1.2 milyan oo kalana ay yihiin dad aan sigaarka cabbin laakiin dad cabba ka ag dhowaaday oo qiiqiisu neefta u raacay.

Warbixintan qaramada midoobey waxa ay sheegtay in wadarta dadka balwaddan xun leh ee dunida ku nooli ay tahay 1.3 Bilyan, boqolkiiba 80 dadkaas ka mid ahina ay ka soo jeedaan dalalka dakhligoodu hooseeyo.

Si kastaba ha ahaato ee, warka fiicani waa in, sida ay ku warrantay shabakadda Aljazeera oo soo xiganaysa shabakadda ‘Our World in Data’, sahamin la sameeyey intii u dhexeysay 1990 illaa 2017 lagu ogaaday, in heerka sigaar nuugistu ay dunida oo dhan hoos uga dhacday mudaddaas. Taasi waxa ay sababtay in tirada dadka sababo sigaarka la xidhiidha u dhimanayaa ay hoos u dhacday 25 kii sanno ee u dambeeyey.

Marka aynu eegno dhulka jamhuuriyaddii Soomaalida, sannadkii 1990 kii waxaa la qiyaasayey in boqolkii kun (100’000) ee qof ee kasta ay 99.61 ka mid ahi u dhiamanayeen sababo la xidhiidha nuugista sigaarka, halka sannadkii 2017 ka ay tiradaasi hoos ugu dhacday 80.41. Hoos u dhacaas oo boqolkiiba 19 noqonaya.

Haddaba, haddii aad leedahay balwaddan sigaar nuugista, weli waxa aad haysataa waqti aad khatartaas naftaada kaga badbaadin karto, keliya waxaa kaa xigta in aad go’aan kama dambays ah qaadato. Waxaa ku caawin kara bisha barakaysan ee Ramadaanka oo maalintii oo dhan la af xidhan yahay, habeenkiina mashquulka cibaadada aad wax badan isku dhaafin karto.

Fadlan, Ramadaantani ha noqoto tii aad go’aankaas gaadhi lahayd, noloshaada caafimaadna bog cusub u furi lahayd. Mahadsanid.