Noocyo Cuntooyinka Ka Mid Ah Oo Ay Tahay In Ay Iska Ilaaliso Hooyada Ilmaha Naaska Nuujisaa

0
628

dddSida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmuhu jaqo, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa qaar ka mid ah cuntooyinka ay khubarada caafimaadku sheegeen in cunistoodu aanay u fiicnayn dumarka carruurtu jaqdo, waxa aanu ka soo xigtay majaladda arrimaha bulshada ka faalloota ee Sayidatii.

1. Kalluunka: Noociisa Libaax badeedka iyo noocyo kale oo ka mid ahba waxaa jidhkooda u tallaaba maadadda Mercury oo ka soo raacda badda ay ku dhex nool yihiin, waxaana caafimaad ahaan la og yahay in maadaddani haddii ay jidhka ku badato aanay u fiicnayn guud ahaanba caafimaadka aadamaha. Haddaba haddii ay hooyada ilmuhu jaqaa ay kalluunka cunto waxaa imanaysa cabsida ah in maadaddani ay jidhkeeda u gudubto, taas oo ilmahana u raacaysa caanaha uu hooyadii ka nuugo, jidhkiisuna uma adkaysan karo xaddi kasta oo maadaddan Mercury ah.

Si kastaba ha ahaato ee khuabrada caafimaadku hooyada uma ay diidin in ay cunto cuntooyinka kale ee badda, sida kalluunka Solomoonka iyo Shirinbiska.

2. Cuntooyinka Gaasta leh (Naqaska keena): Waxaa ka mid ah khudaarta keenta kaasta, sida busbaaska, iyo kaabashka, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in cuntadani ay sida qofka cunay oo kale ilmuhuna uu hooyadii ka jaqayo oo ay ku keenayso naqas (Gaas).

3. Cabbitaannada leh maadadda Caffeine: Sida cabbitaannada leh maadadda Caffeine ay qofka ugu keenaan firfircooni dheeraad ah, iyo tamar sababta in aanu hurdo dareemin, ayaa ilmaha hooyada jaqayana ay ugu gudbaysaa oo ay xaaladahaas oo kale ku keenaysaa. Caffeine waxa ay ku jirtaa Shaaha, bunka iyo cabbitaannada la sameeyo qaarkood, waxa aanay dhakhtarradu hooyada kula talinayaan in ay iska ilaaliso inta ay ilmaha jaqsiinayso, si aanay khalkhal ugu keenin jadwalka hurdo ee ilmaha.

4. Toonta: In kasta oo ay toontu dawo dhaqameed guun ah tahay, cuntada lagu sameeyana dhadhan iyo ur fiican siiso, haddana baadhitaanno caafimaad ayaa xaqiijinaya in carruurta qaar ay si adag u diidaan naaska hooyada, haddii ay ka dhadhamiyaan toonta, arrintaas oo aan caafimaad ahaan u fiicnayn carruurta. Waxa aanay ku talinayaan in haddii ay lagama maarmaan noqoto ay hooyadu ugu yaraan laba ama saddex saacadood u dhexeysiiso cunista toonta iyo naas-nuujinta ilmaha.

5. Liinta: Noocyada kala duwan ee Liinta, sida liin macaanta, liin dhanaanta iyo Liin Baydariinta waxaa ku jira maaddooyin ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay ilmaha aadka u yar ay ku keeni karaan xasaasiyad, sida maqaarka oo boogo yeesha iyo calool olol. Sidaa awgeed maadaama oo uu ilmuhu maaddooyinkan ka jiqi karo caanaha hooyadii, waxa ay khubaradu ku talinayaan in hooyadu muddada ilmuhu jaqayo aanay cunin liinta.

Ugu dambayntiina hooyo kasta waxa ay kula talinayaan in ay dhakhtar takhasus ah kala tashato cuntooyinka ku munaasabka ah in ay cunto xilliga ilmuhu jaqayo.