Nolosha Yaabka Badan Ee Maroodiga Iyo Aqoonta Ku Maqan Ee Ina Tusaysa Xikmadda Abuurka Alle! (2)

0
1383

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo taxane dhowr maalmooda ah oo aynu dhowr sano ka hor ku soo qaadannay, cilmiga bulsho ee ku duugan xayawaanka Maroodiga, qormadan oo aanu mar kale ugu soo celinnay, akhristaayasha aan berigaas fursadda u helin in ay akhriyaan ama xiisaynayey in ay qoraal rogaal celis ah kaga bogtaan waxa aynu cadadkeenna maanta ku soo qaadannay qabtii koowaad:

Urtuu Maroodigu isku gartaa iskuna raadsadaa:

Baadhitaanno cilmiya oo casri ah ayaa daahfuray in maroodigu marka uu ka lumo maroodiyada kale uu soo raaco raadka maroodiga. Maroodigu maroodiyada kale uma soo uriyo maroodinimada oo keliya, balse waxa uu si gaar ah u uriyaa maroodiyada qoyskiisa ama tafiirtiisa ah ee ay wada nool yihiin, waxa ay daraasaddu sheegtay in maroodigu awoodo inuu maskaxdiisa ku kaydiyo urta 30 maroodi oo qaraabadiisa ah.

Maroodigu waa kooxo u nool (Bulsho) waxa aanu isugu xidhan yahay hab qoys, isaga oo si gaar ah qoysaskiisu isaga xidhmaan dhinaca hooyada. Daraasaddan oo tijaabadeeda lagu qaaday maroodiyo ku nool dalka Kenya waxa ay tilmaamtay in maroodigu marka uu raadinayo marooydiyada kale uu isitcmaalo dareenka urta oo uu ku kabo xasuustiisa xoogga badan.

Nolosha Gaarka ah ee Maroodiga:

Maroodiga sidkiisu waa 2 Sano ama ugu yaraan 22 bilood. Maroodigu marka uu dhalo waxa lagu gartaa reen xad dhaaf ah oo ilmihiisa uu u reemayo. Maroodiga dheddig (Hooyada ah) ee weyn ayaa mar kastaba ah hoggaamiyaha raxanta maroodiyada ah ee wada nool iyada ayaana ka difaacda maroodiyada yar yar khatar kasta oo soo food saarta. Waxa uu maroodigu caan ku yahay in dhammaantii uu difaaco maroodi kasta oo yar oo khatar ku jira xataa haddii aanu dhalin. Maroodigu waxa uu mararka qaarkood dhalaa mataano, laakiin waa marar dhif ah oo arrimaha yaabka leh ee la arko ay ka mid tahay in maroodiyada kale dhammaantood ay gacan caawimo u fidiyaaan maroodiga dhalay mataanaha si ay ugu fududaato daryeelka dhashu.

Dhasha maroodigu waxa ay aad ugu dhowdahay dhasha bani'aadamka gaar ahaan marka la eego sida inta ay yar tahay oo dhan ay ugu baahan tahay daryeelka iyo ilaalinta gaarka ah, taas oo ay kaga duwan tahay xayawaanno badan oo iyagu la soo dhasha feejignaanta iyo dareenka iska difaaca cadowga, dhasha maroodiga sida bani’aadamka ayaa lagu yaqaannaa in ay moogan tahay khatar kasta. La Soco…