Ninku Muxuu Dareemaa Marka Ay Gabadhi Madax Ugu Tahay Shaqada?

0
699

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in raggu aanay inta badan ku niyadsamaadaan in haween ay ka shaqeeyaan xilalka sare, arrintaasna sababteeda koowaad waa cabsi uu ka qabo loollanka badan oo dabeecad u ah gabadha. Waa ay dhib yarayd waayihii hore oo inta badan raggu lama ay kulmi jirin haween awood ku dhex leh suuqa shaqada iyo xitaa nolosha bulshada. Waxa se maanta caadi noqotay in haweenku ay xilalka ugu sarreeya ka qabtaa shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba. Sida oo kale kaalin muuqata ayaa ay ku leeyihiin maamulka qoyska.

Valentin Denisov-Melnikov oo ah caalim ku xeeldheer cilminafsiga oo u dhashay dalka Ruushka ayaa ka sheekeeyey waxa uu ninku niyad ahaan dareemo marka ay gabadhi madax ugu tahay shaqada.

Marka hore ayaa uu ninkaastaa aaminsan yahay in gabadha uu ka garaad sarreeyo

Maskaxda ninka ayaa u diyaarsan in ay si fudud u aqbasho in nin uu hoggaamiye ama madax u noqon karo, sidaas awgeed kuma adkaato in uu amarradiisa fuliyo iyo in uu ugu dulqaato cadaadiska iyo canaanta. Laakiin haddii gabadh uu yahay qofka shaqada ugu madaxda ahi, ragga badankooda waxa ay ku noqotaa xaalad aad u adag nafsad ahaan. Marka koowaadba waxaa ku adag in uu si fudud isaga aqbalo amarrada gabadha iyo tilmaamaha ay u soo jeediso. Dhibtuna waxa ay ka taagantahay quudhsi ku abuuran ninka oo marka horeba ka dhaadhiciya in uu abuur ahaanba gabadha ka maskax sarreeyo jinsiga uu yahay awgeed, taas oo cilmi ahaan aan loo haynin wax caddayn ah. Valentin Denisov-Melnikov waxa uu sheegay in aaminsanaantaasi ay sababtay in ninka ay ku adagtahay u hogaansamidda haweenka maamulaha ugu ah shaqada. Halka ninka uu u dulqaadan karo si kasta oo ay dabeecaddiisu u kakantahay. Sababtuna ay tahay isaga oo marka horeba iska aaminsan in ninka ay wadaagaan tilmaamo, aragtiyo iyo dano ka baxsan shaqada ama qayb ka ah.

Khabiirkani waxa uu caddeeyey in ragga badankoodu ay aaminsanyihiin madmadowga dhinaca xidhiidhka ee ninka maamulaha u ah soo dhexgala iyo xitaa arrimaha shaqada ee jilcinta u baahan in ay u helayaan fursado badan oo ay ku xallin karaan, maadaama oo ay meelo kala duwan oo badna isugu imanan karaan, dano ka baxsan shaqaduna dhex mari karto. Halka gabadha jidka keliya ee u furani uu yahay in uu kula macaamilo nidaam waafaqsan anshaxa iyo habraaca rasmiga ah ee shaqo.

Si kastaba ha ahaato ee Melnikov waxa uu xaqiijiyey in gabadhu ay leedahay awoodo iyo dabeecado aanu ninku lahayn. Xeeldheereyaashuna waxa ay sheegaan in haweenka badankoodu ay ka dadaal badan yihiin ragga, gaar ahaan awooddooda dhinaca dhugmada iyo u fiirsiga waajibaadka ay qabanayaan oo aad u sarraysa. Sida oo kale dumarka waxaa ku yahay dabeecadda ah in maskaxdu maahdo, gaar ahaan haweenka kaalinta hoggaaminta ah joogta.

Ninku waa ka raalli in gabadhu qoyska hoggaamiso

Inkasta oo ninku aanu jeclayn in gabadhu ay hoggaamiso shaqada ama shirkadda uu ka shaqeeyo, ama in ay isaga madax ugu noqoto shaqada, haddana waxa uu raalli ka yahay in ay gabadhu hoggaamiso qoyska. Arrintan waxaa ka siman dhaqannada kala duwan ee bulshooyinka caalamka, sababta ugu badanina waa gabadha oo aad ugu fiican masuuliyadda qaadisteeda, awood sare oo ay u leedahay in ay la qabsato isbedbeddelka duruufaha qoysku waajahayo iyo ragga oo aan dabeecad ahaanba jeclayn in ay kaalin hoggaamineed ku yeeshaan qoyska. Sababta ugu badanina waa wiilasha oo marka hore waalidkood ka hela daryeel dheeraad ah iyo ilaalin ka badan ka ay habluhu haystaan, sidaas awgeed ay ku barbaaraan dabeecad aan fiicnayn oo ah in mar kasta ay jecel yihiin qof hawlaha noloshooda u qabta.

Ninku waxa uu jecelyahay gabadha kaalin hoggaamineed ka qaadata qoyska, laakiin gabadha qoyska kaalintaas ka gashaa inta badan kuma faraxsana in xaalku sidaas noqdo. Waxa ugu badan ee ay ku cabataana in aanay helin nin awoodaya in uu masuuliyadaha guriga uu ka qaybqaato.

Inta badna haweenku hoggaaminta qoyska doonisteeda oo xor ah kuma qabsato, sida uu sheegayo caalimka cilminafsiga ee Valentin Denisov Melnikovg abadhu marka ay aragto kaalintaas hoggaamineed ee qoyska oo bannaan ayaa dayacaadda oo aanay doonayn awgeed u gashaa kaalintan.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in ninku uu ku abuuranyahay dareen abaalgud raadis ah oo hawl kasta oo uu qabanayo ku doono beddel, sidaas awgeed shaqada marka uu xil sare qabto waxa uu jecel yahay in magac iyo maal uu ku helo, waana uu ku loollamaa in uu helo xilkaas. Laakiin guriga maadaama oo uu ogyahay in masuuliyaddiisa aanu abaal iyo dheef kale ku helayn, in uu ka gabbado si ay gabadhu dusha ugu wada ridato.