Cabdillaahi-jawaan Oo Ku Baaqay In Doorashooyinka Isku Sidkan Loo Xulo Dad Waxtari Kara Dalka Iyo Dadkaba

0
573

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Guurtidu ka gaadhay soo jeedintii Madaxweynaha, waxaanu sheegay in loo baahan yahay la soo xulo dad mudakar oo aqoon iyo xilkasnimo leh.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waa guul u soo hoyotay Somaliland, sharaf iyo maamuus bay Guurtidu ku leeyihiin go’aankaas ay gaadheen, waxaana ahayd go’aan la filayo sidii aan horeba u sheegay anigu, waxaana sheegay in aanay Guurtidu diidayn, maadaama go’aankaas lagu heshiiyey Somaliland uu yahay magac iyo maamuus, dhab ahaana Guurtidu door shariifa ah ayey qaateen, xaaladda dalkana gaar ahaan nabadgalyada door muhiim ah ayey ka qaataan”.

Mar uu is barbar dhigaayey Somaliland iyo Soomaaliya ayuu yidh “Waxaynu la soconaa waxaa ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, maxaa yeelay waa taas oo Dhuusa-mareeb hobiyayaal ayaa lagu duqaynayey, gaar ahaan Shirkii ay ku jireen oo waa taas oo way is wada haystaan, oo ninba nin buu madaxa kula jiraa, inagana Somaliland waxaynu la soconaa Madaxweyne ilaa xubin Xisbi, weynagaas oo weynu isku duubanay, isku duubnideena iyo go’aankana waxay markhati ka tahay horumarka ay Somaliland gaadhay, iyo mudakarnimada aynu ka gaadhnay xagga dimuqraadiyada, isku tanaasulka aynu muujino iyo in tartan xalaala inaynu galno, ayaa mar kasta inoo dhaqan ah”.

Mar uu ka hadlayey Musharixinta ku tartamaya Doorashooyinka ayuu yidhi “Imika waxaynu isku diyaarinaynaa sidii Doorashooyinka loo gali lahaa, dad mudakar ah oo dalka wax u qaban kara ha loo soo saaro Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka oo ha laga baxo jahawareerka qabyaaladda ee jiliba jilib haysto, oo ha laga gudbo talaay reerkayagii ayaa la reebayaa, dadka la soo xulayaa beelo ha ahaadeen, laakiin waa in lagu soo xulaa karti, aqoon, cilmi iyo waayaragnimo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Waxaynu ku rejo weyn nahay inay Doorashooyin wanaagsani inoo dhacaan, waa markii ugu horeeysay Doorashooyinka Baarlamaanka imika fadhiya aanay ciddi inaga caawin, Doorashadii 2015, waxay inoogu deeqaan Adduunkaas Doorashadaas ayaa ugu horeeysay, oo laba milyan bay inoogu dareen, inta kale ee ka dambaysay way ina kabayeen , lakiin saddexadii Doorasho ee hore ee aan anigu qabanay ee tii Madaxtooyada iyo Barlamaanka ciddi waxba inamay siin inaga ayaa isku filanayn siday imikana Dawladdu ku dhawaaqday in Doorashooyinka ay daboolayso waa sharaf iyo maamus” 

 

Geeska.net/Hargeisa Office