Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Ay Ka Taagan Tahay Xiisadaha Siyaasadeed Ee Mandaqadda Ka Aloosan

0
789

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay marxaladda siyaasadeed ee ka taagan mandaqadda Geeska Afrika, mawqifkeeda ku waajahan go’aamadii laga soo saaray khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee Dawladda Soomaaliya saluugga ka muujisay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay sannadkan ka dhacaan dalka iyo go’aanka laga filayo Golaha Guurtida, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya aragtida Somaliland ee go’aamadii laga soo saaray khilaafkii u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabid, wuxuu hore u sheegay halkaynu dal ahaan ka taagan nahay arrimaha u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, dabcan sidaynu ognahay Guddi dhex dhexaadin ah ayaa loo magacaahay waxay isku hayaan, Guddiduna waxay isku hayaan ayey dib u eegtay, waxayna soo saartay qodobo ay Guddidu u arkaysay in wax lagu xalin karo, Kenya way ku qanacaday, waxayna ahayd in Soomaaliyana ku qanacdo, oo aanay waxyaabo aan jirin iyo dhaleecayn sheegin, maadaama ay markii horeba Gudidda kalsoonida siisay”.

Mar uu ka hadlayey xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika ayuu yidhi “Inagu Somaliland ahaan waxaynu mar walba ku baaqaynaa wanaag, wax kasta oo ku soo korodha Wadamada Geeska Afrika, Wadamada kale ee Afrika iyo Caalaamkaba, waxaynu jecel nahay inay noqoto wax u wada dan ah cid kasta, inaga Somaliland ahaana xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, iyo dalalka kale ee Caalamkaba, xidhiidhkaasina waxaanu jecel nahay inuu sii xoogaysto”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan sannadkan iyo go’aanka Guurtida ee maanta la sugayo ayaa yidhi “Hore ayuu Madaxweynaheena Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, ugu gudbiyey Golaha Guurtida inay ka soo tala bixiyaan go’aankana ka gadhaan Doorashooyinka, oo uu Komishanku muddayey, Xisbiyada iyo Xukuumadduna la qaateen, markaas waa ILLAAHAY mahadii mar haddii maanta aynu isku wada mawqif iyo isku wada aragti ka nahay arrimaheena Doorashooyinka, Golaha Guurtida oo Guddidu u saaray, oo aynu maanta filayno in Guddidaasi go’aan gaadho, waxaynu filaynaa oo aynu ku rajo weyn nahay in go’aan lagu wada farxo Guurtidu ku dhawaaqdo”.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay noqdaan shacab isku duuban, oo qaranimadooda ilaashada, kana fogaada wax kasta oo kala kaxaynaya, waxaanu kula taliyey inay meel kasta oo ay joogana ku muujiyaan qaranimadooda, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay siiyaan Ictiraafka iyo Aqoonsiga ay xaqa ugu leeyihiin, isagoo sheegay inay Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba mar diyaar u yihiin sidii ay Beesha Caalamka ugu qanci lahaayeen jiritaanka iyo sharcinimada Somaliland.

 

 Geeska.net/Hargeisa Office