Ninkii Sameeyey Filimkii Lagu Aflagaadeeyey Nebiga (SCW) Oo Lagu Xidhay Xabsi Ay Muslimiini Ka Buuxdo

0
892

 

ninkiiLos Angeles (Geeska)- Masuuliyiinta amniga ee magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay ninkii sameeyey filimkii lagu aflagaadeeyey nebi Muxamed (SCW) ee cadhada badani ka dhalatay. arrinta xiisaha leh ee ku jirta xadhiga ninkan oo lagu magacaabo Nicola Baseley ayaa ah, in maxaabiista uu xabsiga kula jiro oo tiradoodu dhan tahay 969 ay u badan yihiin muslimiin. Masuul ka tirsan xabsiga badhtamaha Los Angeles ayaa mar uu warbaahinta qaar ka mid ah la hadlay waxaa uu yidhi, “Ninkan ku nool California ee ka dambeeyey filimkii dunida muslimka oo dhan ka abuuray kacdoonnada iyo cadhada xoogga badan waxa maalintii jimcaha ee toddobaadkan lagu xidhay xabsi ku yaalla badhtamaha magaalada Los Angeles” Laakin waxa uu masuulkani sheegay in eedda loo cuskaday xadhiga Nicola aanay ahayn samaynta filimkan balse ay tahay in uu jebiyey shardi hore maxkamaddu ugu sii deysay mar uu u xidhnaa dhac bangi.

 

Illaa hadda dawladda Maraykanka oo ka cabsi qabta in xadhiga ninkani uu ku kiciyo kacdoon gudaha dalkeeda ah oo la xidhiidha cabudhin, waa ay ka gaabsanaysaa in ay faahfaahin ka bixiso sida loo xidhay Nicola iyo weliba in uu qol gaar ah ku xidhan yahay maadaama oo noloshiisu halis ku jirto mar haddii xabsigan la geeyey ay ku jiraan maxaabiis aad u tiro badan oo muslim ahi.

Amarka ah in la xidho Nicola waxa uu soo baxay khamiistii dhoweyd kadib markii la sheegay in uu jabiyey shardigaa lagu sii daayey sannadkii 2011-ka, waxaana la diiday isku day uu qareenka Nicola ku doonayey in uu damiin ku soo daayo ama ugu yaraan inta kiiskiisu socdo uu dibadda joogo, waxa kale oo uu qareen Steve Seyden ku guul darraystay dalab uu maxkamadda u gudbiyey oo ahaa in Nicola xabsiga laga beddelo maadaama oo noloshiisu khatar ku jirto tirade badan ee muslimiinta ku jira xabsigaa awgeed. Garsooraha maxkamadda oo ah haweenay lagu magacaabo Susan Segal ayaa sheegtay in ay cabsi ka qabto in Nicola oo ah Masiixi asalkiisu yahay Masaari haysta jinsiyadda Maraykanku uu ka baxsado garsoorka maadaama oo uu marar horeba khiyaamooyin u badheedhay.

Eedaha kale ee la filayo in Nicola lagu soo oogo waxaa ka mid ah in uu adeegsaday magac been abuur ah, kuwaas oo haddii lagu helo ay u dhow dahay in lagu ciqaabo ugu yaraan laba sano oo xadhig ah.

Nicola oo ay maxkamad Maraykan ahi hore ugu heshay dembi ah in uu bangiyo dhacay ayaa shuruudaha lagu sii daayey xilligaa waxaa ka mid ahaa in aanu Internetka isticmaalin iyo in aanu magacyo aan kiisa ahayn adeegsan illaa uu fasax ka helo maxkamadda.

Nicola ayaa ah ninka sameeyey filim illaa hadda laga arkay 13 daqiiqo oo keliya, magacyo dhowr ah oo uu ku sheegay filimkaasna waxaa ka mid ah “Innocence of Muslims” waxaana ku jira muuqaallo dacaayado iyo aflagaado been abuur ah ku ah nebigeennii Muxamed (SCW). Filimkani waxa uu dunida muslimka ka abuuray kacdoonno cadho badan wata oo ka dhan ah danaha Maraykanka, waxaanu sabab u noqday dilka safiirkii Maraykanka u joogay dalka Libya iyo saddex ka mid ah masuuliyiintii safaaradda ee Maraykanka ahaa.