Deegaanka Kalshaale Oo Laga Soo Saaray Go’aamo Nabadeed

0
3939

 

Burco(Geeska)-Ergooyin ka kala socda beelaha bariga Burco iyo Buhodle, ayaa shalay go’aamo nabadeed ku kala saxeexday magaalada Kalshaale.

Kulan balaadhan oo shalayay ku kulmeen deegaanka ergooyin ka kala socoda deegaanada Bariga Burco iyo Buuhoodle ayaa waxa lag soo saaray go’aamo cusub oo lagu sii ambaqaadayao wadahadaladii nabada ee ka socday deegaanka Buuhoodle iyo Qorulugud.

Wadahadaladan  oo ay isugu yimaadeen shalay  labada  dhinac oo ka koobnaa ergooyin gaadhaya ilaa 70 xubnood oo qaatay mudo 4 saacaddood ayaa waxa nuxurkoodu ahaa in fro cusub loo raadinayo nabad laga dhaliyo deegaanada Buuhoodle iyo Qorulugud, waxaana kulankaasi ka dib laga soosaaray sida uu warbaahiunta u cadeeyey af-hayeenka ergada beesha bariga Burco Mudane Xasan Cabdilaahi Axmed () Xasan mataan).

Go’aamadaanai waxa uu u dhignaa sidan:

In nabad buuxda laga dhaliyo deegaanka iyo weliba kulankani inuu noqdo mid ay labada dhinac ku dhawaaqaan nabad raadin dhaba.

In mudada nabad lagu dhalinayaa noqoto muddo 2 bilooda oo ka bilaabanta maanta ( 30/09/2012).

In madasha shirku noqoto Qorolugud gudaheeda

In cida falal amaan daro ah ku talaabsata ee labada dhinac inta la gaadhjayo mudadaadi ay arintaasi ku koobnaato cida samaysay, labada dhinacna iskakaakshan doonaa inay si de dhaba uga hawlagalaan

Kulankan nabad raadinatan ee ay labada dhinac  isugu yimaadaan ayaa ka danbaysay kulamo nabad doona oo dhowr jeer ka dhicisoobay labada dhinac. Waxaana sida la ogsoon yahay deegaankaasi ka taagnaa in mudo ah colaad iyo dagaalo kui dhax marayey ciidamada qarnka somaaliland iyo maleeshjiyaadka buuhoodle, kuwaasi oo mararka qaarkood saamayeey aargoosi dhexmaray labdan  deegaan