Qareen Sheegay Inay Maxkamada Rafcaanku Ka Hor Istaagtay Eedaysane Uu Difaacayay

0
721

 

 

maayarHargeysa (Geeska)- Gar-yaqaan, Maxamuud Cabdi Cabdillahi oo difaacayey eedaysane maqan Deyr Aw-Faarax Maxamuud, oo loo haysaty kiiskii musuqmaasuqa ayaa ku tilmaamay sharci daro meel lagaga dhacay xuquuqdiisii  iyo tii qofkuu qareenka u ahaa sababo Maxkamada Racfaanka Hargeysa kaga joojisay dood afeedkii qareenimadiisa, codsina u jeediyey Guddida Cadaaladda Somaliland.

 

 Garyaqaan, Maxamuud Cabdi ayaa tilmaamay inay sharci daro ahayd qaraar Maxkamada Racfaanka Hargeysa ugu cayintay eedaysanahii uu qareenka u ahaa qareen cusub, sida Xeer-ilaalintu diiday, maadama ay dhaaftay muddadii soddonka maalmood ee sharcigu fasaxayey in eedaysanahu qareen qabsado ama Maxkamadu u qabato.

Qareenka u doodayey eedaysane Deyr Aw-Faarax Maxamuud oo eedo musuqmaasuq loo haystay oo wargeyska Geeska Afrika wareysi kooban la yeeshay ugu horeyn lagu weydiiyey sababta keentay inuu saxaafada u gudbiyo kiisku qareenka ka ahaa sheegay, “Marka hay’adahii sharciga ee loo caban lahaa, maxkamadaha hoose, cadaalad daro ku kacaan, waxay noqonaysaa inaad saxaafadda timaadid oo cadaalad daradii dawladda iyo dadweynahaba u bandhigtid, si  iyagu halkaa uga garsooraan cadaalad daradii aad qabtay.”

Mar la weydiiyey sababta maxkamadda Racfaanka Hargeysa uga joojisay dood afeedkii eedaysanaha uu wakiilka u ahaa iyo inay sharci waafajisay joojintaa ayaa ku jawaabay, “Marka hore, qofka qareenka qabsanaya waxa u baneeyey qodobka 15aad ee xeerka habka Ciqaabta, isla markaana ma sheegayo inuu qofku maxkamada joogo, laakiin waxuu sheegayaa in qofka la eedeeyey qareen qabsan karo. Markaa qofka aan racfaanlaha u ahay Deyr Aw Faarax Maxamuud ayaa ila soo xidhiidhay, isagoo sheegay inuu maqlay in maxkamada gobolka Hargeysa dacwad ku lidi ah ka furan tahay, sida aayuu wakaalad igu siiyey oo dacwadiisi ku galay. Sidoo kale laba qof oo dacwadaa eedaysaneyaal maqan ku ahaa lana kala yidhaahdo Xuseen Maxamed Xayd iyo Saleebaan Cabdillahi ayey maxkamada Gobolku digreeto iigu magacowday inaan qareen u noqdo, sidaana ugu noqday. Halka Deyr Aw Faarax isagoo ka faa’iidaysanaya qodobka 15aad uu isagu wakaalad ii soo qoray inaan qareen u noqdo, isla markaana maxkamada Gobolku diiwaangelisay wakaaladaa. Xukunkii maxkamada Gobolku  soo saartay waxay ku sii deysay laba ka mid ah saddexii eedaysane ee aan qareenka u ahaa. Waxaa soo hadhay Deyr Aw Faarax maxamuud oo maxkamada Gobolku ku xukuntay 4 sanno oo xadhig ah. Markii xukunkaasi ku dhacay waxaan u xareeyey ogeysiin racfaan qaadasho. Maxkamada racfaanku waxay iga ogolaatay inaan asbaabtii racfaanka soo qoro, waxay diiwaangelisay wakaaladii racfaanlahu ii qoray. Markii la gaadhay dhegeysigii dacwadda waxay igu wargelisay inaan ka soo qeybgalo oo difaaco rafcaanlaha aan qareenka u ahaa. Halkaa markay mareysay ayaa xeer-ilaalinta Gobolku soo jeedin qodobka 283aad keentay,  kuna doodeen ninkani qof denbiile ah ayuu ogyaha waa inuu sheegaa, waxaanay ahayd soo jeedin sharci-daro ah, maadama qodobkaasi oo odhanaya  muwaadinku waa inuu soo sheegaa haduu ogaado denbi dhacay oo ciqaabtiisu gaadhayso dil ama xabsi daa’im, shuruuda uu bixinaayo qodobkaasi ma waafaqayn racfaanlaha  aan qareenka u ahaa oon gelin labadaa ciqaabood denbi keena, balse 4 sannadood lagu xukumay, markaa soo jeedinta xeer-ilaalintu sharci daro ayey ahayd. Mar labaad, siduu dhigayo qodobka 177 ee xeerka habka Ciqaabta, oo sheegaya inaan qareenka la weydiin Karin xogta uu ka hayo qofka uu qareenka u yahay, oo la xidhiidha kiis maxkamada yaal. Markaan ku dooday qodobkan, maxkamadu igama aqbalin. Shaqadiina way iga joojisay oo maxkamadii ayey iga saartay, qodob sharci oo ay ku dhistay go’aankaa maxkamada racfaanku  ma jirin. Maxkamada ayey ahayd inay soo jeedimaha xeer-ilaalinta u eegto qodobada sharci ee ay waafajinayaan, oo haduu khalad yahay ka diido, laakiin, kamay diidin, qodob sharcina ma waafajin sababtii ay shaqadii aan racfaanlaha ku difaacayey iiga joojisay. Waan u sheegay maxkamada inaan racfaan ka qaadan doono.

Qareen Maxamuud Cabdi oo la weydiiyey waxa sharcigu ka qabo in qareen cusub maxkamadu u qabato ayaa ku jawaabay, “Isla fadhigii ayey maxkamadu qareen u qabatay racfaanlahii, oo sharci daro ahayd, sida Xeer-ilaalintiiba ku dooday ee tidhi ma hayno asbaab racfaan oo qareenkan cusub soo gudbiyey, kuna saxeexan yahay, muddadii qareenka loogu magacaabayeyna wuu dhamaaday. Sharcigu waxuu dhigayaa qofka xukun ku dhacay inuu soddon maalmood gudahood racfaan ka qaato, hadaanu qareen qabsan karayna  maxkamadu u magacowdo, oo racfaan u xareeyo, ka dibna maxkamadu racfaankaa diiwaangeliso, xeer-ilaalintuna ka soo jawaabto. Marka fadhiga la isugu yimaado waxuu qareenkaasi arjigii racfaankiisa ku kaabayo ee dood afeedka ka soo jeediyo, taasina ma dhicin, oo wakhtigii racfaan loo magacaabi lahaa lama joogin.”

Ugu danbayn, qareenka difaacayey racfaanlaha Deyr Aw Faarax oo la weydiiyey haduu cadaaladii ka cabanayo siduu filayo inay ku saxmi karto ama fariinta uu Guddida Cadaaladda Somaliland u dirayo ayaa yidhi, “Sidaan u arkayo in garsoorku ku hagaagi karo, marka hore waxa xukuma Guddida Cadaaladda oo dastuuri ah, sida qodobka 107 dhigayo, xeer-ilalainta iyo maxkamadaha hoose iyaga ayey hoos yimaadaan, marka waxaan ugu baaqayaa inay wax ka qabtaan cadaalad darada maxkamadaha hoose, oo caado ka dhigtay racfaan baa furane ka qaado, isla markaana ka codsanayaa inay hoos u eegaan shaqooyinkooda iyo go’aanada ay soo saaraan.”