Ninkeeda Oo Faqiir Ahaa Ayaa Ay Dalbatay In Laga Furo, Laakiin Garsoorihii Ayaa Ku Caawiyey Mushaharkiisa

0
548

ffffRiyaad (Geeska)- Maxkamadda arrimaha qoyska ee Imaaradda Dubai ayaa dhowaan dhegeysatay dacwadda gabadh u dhalatay dal Carbeed oo sababo dhinaca sumcadda awgeed ah loo qariyey, taas oo maxkamadda ka dalbatay in laga furo saygeeda oo 20 sano xaalad faqri xooggan ah ula noolayd. Gabadhani waxa ay sheegtay in saygeedu uu muddadaasba lacag la’aa, sidaa awgeed aanu awoodin in uu bixiyo xitaa kharashaadka yaryar eel agama maarmaanka ah.

Marwadan jeeb-madhnaanta saygeeda ka cabanaysay marnaba ma’ay filayn in ay tahay xaaska nin maalqabeen ah, oo haddana labaatankaa sano ay faqri iyo baahida ugu adag ku noolayd, sida uu ku warramay wargeyska Al-Cukaaz oo baahiyey qormadan uu Geeska Afrika turjumay, garsooraha maxkamadda ee dacwadda qaadayey ayaa gabadhan kaga yaabiyey markii uu u sheegay in odaygeedu uu yahay maalqabeen mushahar bil kasta u qaata lacag ka badan 75 Kun oo lacagta Dirhamka ee dalka Imaaraadka ah, oo u dhiganta 20 kun iyo 500 oo doolarka Maryakanka ah.

Lama garanayo sababta ninkan ku kalliftay in uu muddadaas dheer xaaskiis ka qadiyo, gabadhan oo cadho is madax martay ayaa iyadu go’aansatay in aanay sheekada saygeeda iyo sababaha waxaas ku kallifay siiba dhegeysan ee ay dhaqso uga ambabaxdo qoysnimadiisa waxa aanay garsooraha ka dalbatay in uu dhaqso u kala furo, taas oo aakhirkii garsooruhu fuliyey kadib markii ay ku dhegtay go’aankeedaa ahaa in saygeeda laga furo.