Digtoor Xisaabta Ku Xeeldheer, Oo Iibiye Hoo-Hooya Ah Suuqa Ka Noqday Ayaa Ku Dambeeyey In Uu Naftiisa Gubo

0
748

ddddddddddddGadigiisii iyo baaskiilkii uu ku shaqo tagayey ayaa lagala wareegay:

Oohin labadeeda indhood biyaha buuxisay ayaa markan dhuuntana xidhay oo cabbaar ayaa ay hadalka hakisay si ay u bannayso dhuunta, kadib Amal oo weli ilmadu hoorayso ayaa sii ambaqaaday hadalkeedii, “Cimaad isma dhiibin, qalbigiisana quusi ma gelin, waxbarashadiisa illaa heer PhD ah ee uu sitaana kuma abuurin kibir iyo qab dantiisa seejiya, markii uu darsay sida xaal yahay iyo camal la’aanta jirta waxa uu mar kale dib ugu noqday shaqadii xeryaha xoolaha lagu dhaqo iyo maqaaxiyaha cuntada laga cuno, si uu carruurtiisa noloshooda uga dabbaro, nasiib wanaag waxa uu iibsaday gaadhi aad loo soo isticmaalay oo laga ogolaaday in lacagtiisa uu hafto ku bixiyo, kadib gaadhigaas yar ayaa inta uu badeecado kala duwan saaro uu shaaracyada la dhex wareegi jiray si uu u iibiyo, alaabtaas badhkeeda cashuurta kama uu bixin jirin oo waa uu kontarabaanin jiray, waxaa ka mid ahaa sigaarka iyo qalabka carruurtu ku ciyaarto.. laakiin maalin maalaha ka mid ah ayaa uu booliisku qabtay. Waxa ay ku soo oogeen dacwad ah in uu iibinayey alaab aan la cashuurin, isla markaana ganacsanayey isaga oo aan rukhsad dawladda ka haysan. Waxa aanay kala wareegeen baabuurkii yaraa iyo badeecaddii saarnayd”

“Waa Markaas marka uu samirkii Cimaad soo gudhay, waxa uu ara in hadda kadib aanay u suurtogeli Karin in uu quudka carruurtiisa soo xoogsado, isla markaana aanu macalinnimadii ku noqon Karin. Mar kale ayaa uu deyn u dhaqaaqay oo markan aan anigu deynta soo heliddeeda ka caawiyey. Waxa aanu soo iibsannay xabbad baaskiil ah oo laga siiyey 900 oo doolarka Maraykanka ah. Waxa ay ahayd deyn bil kasta badh la bixinayo. Cimaad mar kale ayaa uu shaqadiisii ganacsiga yaryar ahayd dib ugu noqday, maadaama oo ganacsigan in uu rukhsad u helaa adag tahay, waxa uu haddana u badheedhay in uu si qarsoodi ah isaga shaqaysto.

Maalintii ciidda Soonfur ka horreysay, ayaa uu go’aansaday in uu mootadiisa ugu safro magaalo kale oo 250 Kiiloomitir u jirtay, isaga oo sooman, si uu uga soo iibsado badeecadaha ciidda ka iibsamaya oo maalinta iibkooda uga faa’idaysto”

Jidh dil iyo xaqiraad:

Cimaad sidii qorshihiisu ahaa waxa uu soo iibsaday badeecaddii yaryarayd, kadib waxa uu kontorabaan kula soo dhaafay kaantaroolkii degmada oo cashuur ka qaadi lahaa, nasiib darro roondo booliiska cashuuraha ah ayaa qabtay, sidii hore oo kale ayaa ay ugala wareegeen mootadii iyo xamaamtii u saarnayd, weliba markan waxa ay ugu dareen jidh dil iyo xaqiraad.

Amal Cimaad oo sheekadan qiirada badan sii wadataa waxa ay tidhi, “Cimaad aniga iyo saaxiibkii Cimaad Bin Miftaax ayaa uu ala soo hadlay magaalo kale oo u dhow tan aanu deggennahay, waxa ay ahayd aroortii hore ee maalintii salaasada, ee ciidda ka horreysay, sida warkiisa ka muuqata xaalad nafs ah oo aad u xun ayaa uu ku jiray. Saaxiibkii si kooban ayaa uu ugu yidhi, waa ay I caayeen, oo ay i garaaceen oo ay xoog igu muquuniyeen, waxa uu saaxiibkii ka codsaday in uu ugu yimaaddo halkaas uu joogo, maadaama oo mootadii laga qaaday, lacag uu gaadhi ku soo raacana aanu haysan. Cadho xad dhaaf ah, niyad jab iyo quus badan ayaa ka muuqatay, waxa ugu daran ee uu qaadan kari la’aa sida hadalkiisa ka muuqatayna waxa ay ahayd jidh dilka loo geystay iyo ereyada aflagaadada ah ee ay ku yidhaahdeen ragga qabtay”

Amal waxa ay sheegtay in Cimaad uu bilaabay dacwad uu ku codsanayo in dib loogu soo celiyo mootadiisa oo aanu wel deyntii lagaga lahaa iska bixin, laakiin codsigiisa waxaa mar kasta lagu qaabilayey xaqiraad iyo diidmo ku dheeldheel ah. Aakhirkii quus ayaa uu gaadhay, waxa aanan is leeyahay khalkhal maskaxda ah oo duruuftaasi keentay kama uu madhnayn, waxa uu soo qaatay baatrool oo inta uu jidhkiisa oo dhan ku rusheeyey uu hor istaagay xarunta booliiska oo dab naftiisa ku qabtay, halkaas aayanay noloshiisii ku dhammaatay. Markii hore dhaawac ayaa goobta lagaga qaday laakiin jimcihii ciidda Soonfur saddex ahayd ayaa uu u dhintay dhaawacii dabkaas, waxa aanu agoonnimo kaga tegey xaaskiisa iyo saddedii ubad ahaa ee uu noloshooda u ordayey”

Dhacdadan dareenka taabanaysa ee Dr. Cimaad uu noloshiisa sababta u noqday, waxa ay dalka Tuuniisiya ka abuurtay buuq iyo cadho badan oo laga dareemayo bar-kulannada bulshada ee internet ka, sida la xasuusan yahay kacdoonkii gu’ga Carabta ee ka bilowday dalka Tuuniisiya, galaaftayna madaxweynihii hore ee Bin Cali waxa uu ka bilowday qiso aan ka fogeyn ta Cimaad oo uu isku gubay wiil shahaado jaamacadeed haysta oo shaqo la’aantu u geysay in uu shaaraca khudrad ku iibiyo, laakiin booliisku bilicda caasimadda awgeed uga qaaday miiskii uu khudradda ku iibinayey, taasina keentay in uu is gubo. Dhammaad.