Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan Oo Ku Taliyey In Shaqada Toddobaadka Lagu Soo Koobo 3 Maalmood

0
866

Picture11Mixico (Geeska)- Maalqabeenka ugu weyn dunida Carlos Saliim oo u dhashay dalka Mexico ayaa dunida oo dhan u soo jeediyey fikir ah in maalmaha shaqada ee toddobaadkii lagu soo koobo saddex maalmood oo keliya, halka imika ay ka yihiin Shan maalmood oo maalin kasta 8 saac la shaqeeyo. Saliim oo asal ahaan ah Carab isirkiisu ku abtirsado dalka Lubnaan ayaa soo jeediyey in toddobaadkii maalmaha shaqada la yareeyo oo laga dhigo Saddex maalmood oo keliya, laakiin saacadaha shaqada la kordhiyo oo saddexdaa maalmood maalintii la shaqeeyo 11 saac iyo in kor loo qaado da’da hawlgabka ee qofka shaqaalaha ah laga ogol yahay in uu shaqada ka nasto isaga oo mushahar qaadanayo, lagana dhigo Toddobaatan jir, halka ay imika Lixdan sano ka tahay.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku daray in maalqabeenka dunidu uu fikirkiisan ah in gebi ahaanba wax laga beddelo saacadaha iyo nidaamka shaqo ee dunida ka jeediyey shir dhowaan ka dhacay dalka Uruguay oo lagaga tashanayey wanaajinta shaqada iyo shaqaalaha. Wargeyska Financial Times isaga oo si toos ah u soo xignaya hadallada Saliim waxa uu yidhi, “Waxaa fiican fiican in dadku ay shaqeeyaan sannado ka badan ka badan inta ay hadda shaqeeyaan oo ah illaa 70 ama 75 sano jirka, oo ay toddobaadkii ka shaqaynayaan saddex maalmood oo maalin kastaa ay 11 saac shaqadu tahay”

Carlos Saliim ayaa la sheegay in fikirkaas uu soo jeediyey mid aad ugu dhow uu ku dhaqo shaqaalaha ka shaqeeya shirkaddiisa isgaadhsiinta ee TeleMexico oo ah shirkadda uu ka helay lacagta uu ku mutaystay in uu noqdo maalqabeenka dunida. Waxyaabaha uu u ogol yahay wawxaa ka mid ah in afar maalmood ay toddobaadkii shaqeeyaan iyaga oo mushahar dhamaystiran qaadanaya iyo in qofka doonaa uu da’da hawlgabka hore u soo dhigan karo oo 50 jirka uu ku qaadan karo hawlgab. Carlos Saliim isaga oo ka hadlaya sababta ku dhalisay fikirkiisan ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “In maalin kasta la shaqeeyaa nolosha ayaa ay ka dhigtaa mid aan lagu raaxaysan karayn. Maalmaha shaqada oo saddex keliya lagu soo koobaa waxa ay qofka u saamaxaysaa in uu helo waqti uu nasto iyo in uu nolol ta hadda ee shaqaalaha ka fiican helo, waxa uu fursad u helayaa in uu qabsado hawlihiisa kale iyo in uu hiwaayadiisa waqti u helo”